Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in uu xafiiska diplomaasi uu ka furan doono magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Hadalkan ayaa laga sheegay magaalada Hargeysa kaddib shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kamaal.
Wasiir Biixi ayaa tilmaay in danjiraha Turkiga oo shaley soo gaaray Hargeysa in uu maanta la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda maamulkiisa.
Danjiraha ayaa la kulmay Madaxweynaha Siilaanyo , waxayna ka wada hadleen mashaariic laga fuliyo Somaliland.
“Annigoo halkan la taagan safiirka Turkiga oo ay la socdaan niman badan oo ah ganacsado Turki ah waxaana ka wada hadalnay siddii loo xoojin lahaa xiirka labada waddan iyo siddii iskaashi ballaaran oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha ku saabsan, waxaanu go’aansanay qunsilyad Turkigu in uu halkan ka furto annagana Turkiga ayaan ka furaneynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in danjiruhu ay ka wada-hadleen siddii loo sii wadi lahaa wada-hadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.
Danjire Kamaal ayaa isna yiri “Waxaa ka mid ah ujeedada socdaalkeyga Somaliland sidii loo sii wadi lahaa wadahadaladii Turkigu martigelinayay ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo ay jirraan mawduucyo siyaasiya ah haddana waxaan rajeynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan” ayuu yiri danjiraha Turkigu, safiirku waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, waxaanu xusay in wadankiisu kala shaqeyn doono horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha.
Turkiga ayaa wada hadalo u wada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland waxaana bishan lagu waday in ay yeeshaan kulan kale, balse waxaa dib loogu dhigay bisha na soo aaday ee December.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa

