SOMALILAND oo xir xirtay siyaasiyiin mucaarad ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas, halkaas oo haatan ay howlgallo ka bilaabeen ciidamada Booliska Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xir xireen siyaasiyiin ka mid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynaha wax ka abaabulaya dibad-baxa ka dhanka ah xukuumadda.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xarigga loo geystay xubnaha mucaaradka iyo dadka shacabka ah aysan hor istaagi doonin dibad-baxooda oo loo qorsheeyey in uu dhaco 11-ka bishaan aynu ku jiro ee August.

“Xadhiga xaqdarrada iyo sharci darradaba ah ee lagula kacay Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka iyo taageerayaashooda waxba ka beddeli mayso qabsoomidda isu soo baxa-nabadeed ee Dastuuriga ah ee dhacaya maalinta khamiista ah,” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray taageerayaashiisa, isaga oo ugu baaqay inay u diyaar garoobaaan dibad-baxa mucaaradka ee looga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi.

“Diyaar garooba, nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa!” ayuu sii raaciyey musharaxa xisbiga Wadani ee Somaliland.

Dhinaca kale shir xasaasi ah oo u dhexeeyo xukuumadda iyo mucaaradka ayaa goordhow ka furmay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo looga hadlayo xiisadda taagan.

Shirkaan ayaa waxaa xukuumadda ku metelaya wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, halka xisbiga UCID uu ka socdo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, afhayeenkiisa iyo mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada, halka xisbiga Wadani uu ku metelayo Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji oo ka mid ah guddoomiye ku xigeenada xisbigaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in shirka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay looga hadlayo arrinta dibad-baxa mucaaradka iyo sidii xal loo heli lahaa.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xasarado siyaasadeed oo iska horjeedo, kuwaas oo ka dhashay doorashada maamulkaas oo ay isku khilaafeen mucaaradka iyo xukuumadda.