25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Somaliland xaq ma u leedahay inay ka go’do Soomaaliya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qarnigii 18-aad,  Dunida waxaa  awood aan la koobi karin ku  lahaa Wadamada Reer Yurub, kuwaas oo Sanadkii 1884tii shirkii Baarliin ku qeybsaday  Qaaradda Africa siday u kala Xukumi lahaayeen.

Geeska Africa gaar ahaan  Gobolka waqooyi Galbeed ee Somaaliya oo markaas loo yaqaaney British Somaliland waxaa gumeeysanaayay Boqortooyadii Britain. Halka Gobolada Koonfureed ay ku hoos noolaayeen Gumeeysigii Taliyaaniga.

26 June 1960kii waxaa xornimada qaatey Somaliland, isla sanadkaas 1dii luulyo waxaa Xoroobey Gobolada Koonfureed ee Somaaliya, kuwaas oo xornada ka qaatey Gumeeysigii Taliyaaniga. Kadib maxaaa dhacey? Wadahadal iyo wadatashi kadib kadib waxaa la isku raacey in ay midoobaan Gobolada Waqooyi iyo Kuwa Koonfureed isla 1dii Julaay oo sameystay hal calan iyo hal Ciid.

1960kii waxaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya loo doortay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan oo noqdey Madaxweynihii ugu horeeyay ee lo doorto Dal badax banaan oo Somali leedahay,1967dii  waxaa  dhacdey Doorasho xalaal ah oo aheyd tii ugu horeeysay oo si Dimuqaraadi ah uga dhacda Africa oo dhan oo xilka ka degay Madaxwene Aadan Adde, Asagoo doorashada ku guuleystay  Cabdirashiid Cali Sharmaake, hal sano oo uu xilka haayay waxaa lagu dilay si Shirqool ah.

1969kii waxaa Afgambi  dalka kula wareegey Madaxweyne Maxamed Siyad Bare iyadoo aan wax dhiig ah daadan, taas oo aheyd Afgambi aad loo agaasimey Soomaali oo dhan si isku mid ah  loo daremey. Dowladaas uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Siyad Barre waxaa loo yaqaaney Dowladii Kacaanka. Aad iyo aad ayuu u shaqeeyay sanadadii ugu horeysay Kacaanka dalka ka jiray waxaa la dhisay Dikado badan, Shirkado kala kedisan, Af Soomaaliya oo la qoray iyo Mashruuc la magacbaxey iskaa wax u qabso oo aad loogu faa’idey.

1977kii  Somaaliya waxay dagaal la gashay dowlada Ethopiya, dagaalkaas oo dadbadan u arkaan ilaa hada mid lagu fudadaadey Madaama uu dalka Hormar ku socdey oo la rabey in su Diplomaasi ah loo wajaho xaaladas kilalka shanaad oo la islu heystay markaas, dagaalkaas Somaaliya way ku jabtay kadib markii dowlada Ethoopiya ay caawin ka heshay Dowlado kale oo awood ku lahaa Dunida markaas.

1988kii Somaaliya waxaa ka bilaawdey kacdoon ay wadeen Siyaasiyin Soomaaliyeed, kuwaas oo u arkaayay Hogaamiye Siyaad inuu yahay Kaliye talis, kacdoonadaas waxaa badankooda laga soo abaabuley Wadamada deriska aha Sida Ethoopiya oo saldhig u ahaa mucaaradka,  Kuwaas oo badankooda ka bilaawdey gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Siyaad wuxuu la dagaalamey dadkii wadey Kacdoonkaas ama taagyeeraayay, waxaana lagu weeraray hub culus oo Diyaarado ay ku jiraan oo lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan. Dagaalkas wuu sii daba dheeraadey ilaa dowladda Soomaaliya ay ka baxdo Caasimadda Soomaaluya ee Mogadishu taas oo keentay inay dhacdo ama burburto Dowladii dhexe oo dhan.

Hadaba qormadeydaan waxaan ciwaan uga dhigay xaq ma i leedahay Somaliland Madax banaani ama inay ka go’do Soomaali inteeda kale iyadoo sheegayso in markii horeba ay gooni ahaaayeen oo markaas walaalahooda Soomaaliyeed wadahadal kadib isla garteen inay wax wada qabsadaan kadibna la dhibaateeyay oo laayay waa sida ay qabaan reer Soomaaliland taas bedalkeedana helaan aqoonsi iyo in la horkeeno dadkii ka dembeeyay Xasuuqa loo geeystay.

Soomaaliya inteeda kale, burburkii kadib waxaa dhacey dhibaato aan halkaan ku soo koobi karin oo u badan Dil, Dhac , kufsi iyo in badan oo kale oo ay isku geeysatay Soomaali iyagoo kala sheeganayo Qabaa’il oo qabiil la isku dilaayo.

Dhibtaas oo idil waxay ku timid Dowlad la’aan oo ninkii xoog leh ayaa Xoolaha lahaa ama ninkii Hub heysto ayaa xerada Maamulaayay. Maanta 2016 Soomaaliya waxaa ka jira Dowlad Federaal ah oo  tan iyo 2000 dowlado la sameeynaayay kuwaas oo soo marey marxalado kala duwan ilaa Maanta oo ay jirto Dowlada Federaal ah. Waxaa la sameeyay Maamulo Goboleedyo oo ilaa 5  maamul ah markii laga reebo Somaliland iyo Banadir oo ah Caasimadii Umadda Soomaaliyeed.

Hubaal waa inaan Soomaali kala maarmin meelkasto ay joogto.

W/Q : Siyad Adam
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News