27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Somaliya iyo Kenya oo ku heshiisyay saddex qodob + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa isku raacay saddex qodob oo xasaasi ah, kadib markii ay kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo dhiggiisa waddanka Kenya.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Moses M. Wetang’ula ayaa kulankooda diirrada ku saaray wada-shaqeynta labada baarlamaan, waxayna ku heshiiyeen qodobada soo scoda;-

  • Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.
  • Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.
  • Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga oo dhawaan geeriyooday, lana aasay.

Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayan iskaashiga labada dhinac, maadaama ay yihiin laba dal oo daris, hadana wax badan wadaagga.

- Advertisement -

Read more

Local News