26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

SOOMAALI fara-badan oo lagu xakumay SPAIN!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Spain, ayaa qoray in Maxkamadda Sare ee dalka Spain, ay xukun ku riday Muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay rasaaseyeen Markab rarnaa oo maraayay Xeebaha Somalia.

Manuel Marchena oo ah Guddoomiyaha Darajadda Labaad ee Maxkamadda Sare ee dalka Spain, ayaa sheegay in Muwaadiniintaasi ay qirteen eedeymihii ay u xirnaayen.

Manuel Marchena waxa uu sheegay inay xukumeen ilaa 6 eedeysane oo lagu kala magacaabo:

1-Cadaawe Yuusuf Cali.

2-Cali Cali Salaad.

3-C/llaahi Ciise Jaamac.

4-Yaxye Cumar Cali Xasan.

5-Cali Maxamed Cali.

6-Cali Maxamed Xersi.

Eedeysanayaashaani ayaa waxaa lagu xukumay min 16 sanno iyo bar, kadib markii sannadkii 2012-kii ay rasaaseeyen Markab lagu magacaabo Izurdia.

Guddoomiyaha Darajadda Labaad ee Maxkamadda Sare ee dalka Spain, Manuel Marchena, waxa uu xaqiijiyay in eedeysanayaasha ay miisaan ku dhex lahaayen Kooxda Burcad-badeeda Soomaalida ee dhaca ka geysta xeebaha dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News