28.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Soomaali ku lug yeelatay weerarada argagixiso ee dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Daniel Chapo (Caasimada Online) – Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in baaritaanno ay sameysay lagu ogaaday in dadka lagu eedeeyay weerarradii argagixiso ee gobolka Cabo Delgado muddadii siddeedda sano ahayd ay ka mid yihiin shaqsiyaad ka yimid Soomaaliya.

Mozambique ayaa xaqiijisay in la furay 918 dacwadood, halka 724 qof lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen falalkaas. Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah 105 ajaaniib ah, oo intooda badan u dhashay dalalka Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Malawi, Kenya iyo Koonfur Afrika.

Warbixintu waxay muujisay in ilaa hadda 462 qof lagu helay dambiyo, isla markaana lagu xukumay xabsi u dhexeeya laba ilaa soddon sano.

Gobolka Cabo Delgado ayaa weli wajahaya xaalad amni-darro oo ka dhalatay weerarradaas, kuwaas oo muddo siddeed sano ah socday, waxaana ku dhintay 6,257 qof — 2,631 ka mid ahna rayid — sida uu sheegay ururka ACLED.

Weerarradaas ayaa sababay in ka badan 93,000 qof ay ka barakacaan guryahoodii, iyagoo u guuray gobollada Balama, Mocímboa da Praia, Montepuez, Chiúre iyo Memba.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxaha weerarrada wada ayaa xiriir la leh ururka Daacish, taas oo sii kordhisay xasilooni-darrada gobolka.

Dowladda Mozambique ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, ilaalinta shacabka iyo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa iska kaashanaya qorshe lagu taageerayo dadka barakacay iyo soo celinta xasilloonida gobolka Cabo Delgado.

- Advertisement -

Read more

Local News