Rosslare, Ireland (Caasimada Online) – Sagaal muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan Soomaali iyo Eritrean, ayaa Isniintii laga dhex helay konteenar xamuul ah oo ku sugnaa dekedda Rosslare Europort kaddib markii ay afar maalmood ku go’doonsanaayeen cunto iyo biyo la’aan.
Kooxdan, oo loo sheegay in si sharci-darro ah loogu tahriibinayo Boqortooyada Ingiriiska (UK), ayaa ka hor intii aan la soo badbaadin la soo xiriirtay mas’uuliyiinta, iyagoo codsaday gargaar degdeg ah.
Markii la helay, ayaa la xaqiijiyey in muhaajiriintani ay ku jireen xaalad caafimaad oo deggan, inkastoo labo carruur ah ay u baahdeen in isbitaal la dhigo dhaawacyo fudud oo soo gaaray awgood. Shaqaalaha caafimaadka ayaa isla goobta, oo ahayd dekedda, ku qiimeeyay xaaladda kooxda, ka hor inta aan loo gudbin baaritaanno dheeraad ah.
Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in muhaajiriintan, oo da’doodu u dhaxayso 16 iyo 27 sano, ay midkiiba bixiyey lacag ka badan €2,000 oo Yuuro. Lacagtan ayay siiyeen shabakadaha dadka tahriibiya, kuwaasoo si been abuur ah ugu ballanqaaday inay si nabad ah ku gaarsiin doonaan Boqortooyada Ingiriiska. Balse, halkii ay ka gaari lahaayeen halkii ay u socdeen, waxay safarkoodii ku soo idlaaday Ireland.
Cabdicasiis Axmed Muuse, oo ah horjooge ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Ireland, ayaa sheegay “Mid ka mid ah muhaajiriinta ayaa ku guulaystay inuu sameeyo wicitaan telefoon, taasoo horseeday in booliisku ogaadaan in sagaal nin ay ku dhex jiraan konteenarka. Laba ka mid ah ayaa isla goobta lagu dabiibay, halka mid kalena isbitaal loola cararay.”
Waaxda Qaranka ee Socdaalka (GNIB) ee Ireland ayaa hoggaaminaysa baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo sida raggan loo soo qaaday iyo cidda fududaysay safarkooda.
Mas’uuliyiintu waxay ka shakiyaan in shabakadaha dadka tahriibiya, ee fadhigoodu yahay Afrika iyo Yurub, ay marin habaabiyeen muhaajiriinta, iyagoo ugu ballanqaaday inay geyn doonaan UK, balse ay ku weeciyeen Ireland.
Saraakiisha ayaa aaminsan in muhaajiriintu ay konteenarka ka raaceen magaalada Dunkirk ee dalka Faransiiska, ayna ku dhex jireen ugu yaraan afar ilaa shan maalmood. Baarayaashu waxay si gaar ah u daneynayaan inay gacanta ku soo dhigaan darawalkii gaariga xamuulka ah ee mas’uulka ka ahaa keenista konteenarka dekedda Faransiiska.
Saraakiisha socdaalka ee Ireland ayaa xaqiijiyay in lix ka mid ah sagaalkii nin loo diiday inay dalka soo galaan, dibna loogu celiyay Faransiiska, halkaasoo la rumeysan yahay inuu konteenarku ka soo ambabaxay.
Hal qof ayaa dalbaday magangelyo, codsigiisana waxaa hadda baareyso Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO). Labadii carruurta ahayd ayaa la hoos geeyay hay’adda ilaalinta carruurta ee Ireland, Tusla.
Dekedda Rosslare Europort, oo ka mid ah xarumaha xamuulka ee ugu mashquulka badan Ireland, ayaa si isa soo taraysa u noqotay bartilmaameedka hawlgallada shabakadaha tahriibinta dadka.
Bishii Maarso 2024-kii, toddobo muhaajiriin Eritrean ah ayaa laga dhex helay iyagoo ku dhuumanaya gaari xamuul ah oo ku sugnaa dekedda, lix ka mid ah ayaa si degdeg ah loo tarxiilay.
Sannad ka hor, 14 muhaajiriin Kurdi ah oo ka kala yimid dalalka Iiraan iyo Ciraaq ayaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo ka soo kicitimay Zeebrugge, Belgium. In badan oo kooxdaas ka mid ah ayaan ilaa hadda la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Bishii Oktoobar 2024-kii, mas’uuliyiintu waxay labo nin ka dhex heleen gaari yar oo ku sugnaa Rosslare, kuwaasoo markii dambe ay siisay taageero dowladeed. Dekedda, oo aragtay koror gaaraya 53% dhanka dhaqdhaqaaqa xamuulka labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa noqotay marin muhiim u ah shabakadaha tahriibinta ee isku daya inay muhaajiriinta si sharci darro ah u galiyaan Ireland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Dhacdadan ka dhacday Rosslare Europort waxay iftiiminaysaa caqabadaha baaxadda leh ee la xiriira socdaalka aan sharciga ahayn ee ka jira guud ahaan qaaradda Yurub.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa heshay 329,035 codsi magangelyo ah sannadkii 2023-kii, taasoo ka dhigaysa dalka shanaad ee ugu badan adduunka ee ay muhaajiriintu beegsadaan. Isbaanishka ayaa diiwaan geliyay 160,460 codsi magangelyo ah, waana dalka labaad ee ugu badan Yurub, waxaana ku xiga Faransiiska oo leh 145,095 codsi iyo Talyaaniga oo leh 130,565 codsi.
Iyadoo cadaadiska socdaalku uu sii kordhayo, ayaa haddana kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta waxay ka digayaan khatarta sii kordheysa ee ay wajahaan dadka ka soo cararaya colaadaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale.
Tiffy Allen, oo ah agaasimaha hay’adda Places of Sanctuary Ireland, ayaa sheegtay in kiisaskani ay ka tarjumayaan heerka quusta ah ee ay gaareen dadka barakacay, iyadoo tirada barakacayaasha caalamiga ah ay hadda kor u dhaaftay 120 milyan oo qof.
Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in shabakadaha tahriibinta ay sii wadaan inay ka faa’iidaystaan shaqsiyaadka nugul, iyagoo ku boorriyay dowladaha inay xoojiyaan ammaanka xuduudaha, isla markaana ay abuuraan waddooyin sharci ah oo loo maro socdaalka, si looga hortago masiibooyinka mustaqbalka.