26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Soomaali Mindi ku weeraray Safaarada Mareykanka oo la toogtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay toogteen muwaadin Soomaaliyeed oo weeraray safaarada Mareykanka ee Kenya.

Weerarka ayaa waxaa ruuxa hubeysan u adeegsaday aalada tooreyda, waxaana uu dhaawac u geystay askari ku sugnaa meel banaanka ka ah safaarada.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada dowlada Mareykanka ee Kenya ayaa lagu sheegay in ruuxa hubeysan uusan gudaha u galin dhismaha safaarada.

“Safaarada Maraykanka waxa ay xaqiijinaysaa in toogasho ka dhacday meel ku dhow safaarada Maraykanka ee Nairobi, hase yeeshee ma jiro waxyeelo ka soo gaartay shaqaalaha safaarada, wixii faahfaahin ah waxaa lagala xiriiriyaaa dowlada Kenya,”ayaa lagu yiri warkan laga soo saaray safaarada Maraykanka ee Kenya.

Ruuxa weerarka geystay oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambeyn toogtay ciidamada amaanka ee safaarada, waxaana meydkiisa la geliyay talaajad safaarada dhex taala.
dil-1

dil-2
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News