Muqdisho (Caasimadda Online) – Muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxyeelo u geystay xarun caafimaad oo ku taala gobolka Florida ee dalka Mareykanka waxaana sidaasi warbaahinta u xaqiijiyay masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka gaar ahaan booliska.
Waxyeelada ugu daran ayaa soo gaartay Computaro yaalay xarunta caafimaad ee wiilka Soomaaliyeed uu weeraray, waxaana la ogeyn waxyaabaha ku qasbay muwaadinka Soomaaliyeed inuu sidaasi u dhaqmo.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 21 sano jir ayaa waxaa la dhigay xarun caafimaad kadib markii la dhaawacay markii falka uu geysanayay si loo daweeyo.
Mid kamid ah ilaalada amaanka ee xarunta caafimaad ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray, waxaana la dhigay xarun caafimaad si loogu daweeyo.
Waxaa wali socdo baaritaanka lagu sameynayo wiilka Soomaaliyeed ee waxyeelada geystay si loo ogaado waxyaabaha sababay inuu falkaasi sameeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]