Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa toddobaadkan sheegay in in ka badan 150 muwaadiniin Shiinees ah ay ka dagaallamayaan safka Ruushka ee duullaanka Ukraine, isagoo ku eedeeyay Moscow inay “dagaalkeeda ku jiidaysay dalal kale”.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo la arkayo in labada dhinac ee colaadda — Ruushka iyo Ukraine — ay si isa soo taraysa u adeegsanayaan dagaalyahanno ajaanib ah. Haddaba waa kuwan qaar ka mid dalalka ay dadkooda ku jiraan dagaalka.
— Kuuriyada Waqooyi —
Xogaha ugu culus ee la helay waxay muujinayaan in Ruushku uu adeegsaday kumanaan askari oo Waqooyi Kuuriya ah, kuwaas oo loo diray gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka kadib weerar lama filaan ah oo ay Ukraine ka qaaday xadka bishii Agoosto 2024.
Ilo kala duwan oo ay ku jiraan Koonfur Kuuriya, reer Galbeedka, iyo Kyiv ayaa sheegaya in Pyongyang ay dirayso ugu yaraan 10,000 askari.
Inkastoo Waqooyi Kuuriya ay markii hore beenisay arrintan, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si toos ah uga gaabsaday inuu wax caddeeyo markii la waydiiyay sawirro satalaayt ah oo muujinaya dhaq-dhaqaaqyo milatari oo la tuhunsan yahay.
Ukraine ayaa sidoo kale shaacisay muuqaallo muujinaya laba askari oo Waqooyiga Kuuriya u dhashay oo lagu qabtay dhaawac, kuwaas oo si faahfaahsan uga warramay sidii ay ugu dambeeyeen safka hore ee dagaalka.
— Tabaruceyaal; dagaal-yahanno la qasbay —
Dagaalyahannada kale ee ajaanibta ah, labada dhinacba, qaar badan waa tabaruceyaal u socda ujeeddooyin siyaasadeed ama bani’aadanimo. Qaar kale ayaa loo kaxeeyay iyagoo laga dhaadhiciyay ballanqaadyo been ah, mushahar sare iyo rajo nololeed oo ka duwan xaqiiqada dagaalka.
Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah ugu wajahan yahay dhalinyarada kasoo jeeda dalal sabool ah—sida Hindiya, Bangladesh, Nepal, Cuba, Sierra Leone iyo Soomaaliya—isagoo u ballanqaadaya mushaar sare iyo dhalasho Ruush ah. Sidoo kale, dadka lagu qasbay ama lagu khiyaameeyay waxaa ka mid ah muwaadiniin la siray iyagoo raba shaqo ama magangalyo, balse markii dambe la horkeenay dagaal culus.
Si kor loogu qaado qorista, Moscow waxa ay dadaal weyn gelisay bixinta dhalasho degdeg ah oo loo siiyo muwaadiniinta ajaanibta ah ee safka dagaalka ku biira.
— Soomaalida: Dagaal aysan u iman —
Waxaa si gaar ah loo xusay in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu khiyaameeyay, lana qasbay in ay ka dagaallamaan Ukraine iyagoo markii hore Ruushka u tagay rajo shaqo, waxbarasho ama tahriib.
Kiis la taaban karo ayaa ah Maxamed Adil, oo u dhashay Soomaaliya, kana mid ahaa maxaabiis lagu qabtay Donetsk bishii Janaayo 2024. Adil ayaa sheegay in markii uu u dhoofay Moscow bishii Agoosto 2023, uu filayay inuu shaqo ka helo halkaas, balse kadib uu arkay xayeysiin ciidan.
Markii uu saxiixay heshiis shaqo, afar maalmood gudahood ayaa loo diray safka hore ee dagaalka. Mushaharka la ballanqaaday wuxuu ahaa $2,000 bishii—lacag uu sheegay inay tahay wax ka badan 14 jeer wixii uu Soomaaliya ka heli jiray.
Ruushka ayaa sidoo kale dibedda ka soo qoray dagaalyahanno kasoo jeeda Yemen, Nepal iyo Soomaaliya isagoo adeegsanaya ballanqaadyo shaqo iyo mushahar sare. Laakiin markii ay dalka yimaadaan, waxaa lagu khasbaa in ay galaan tababar milatari kadibna loo diro dagaalka.
Kiis kale ayaa ah midka Ilyas Axmed Elmi, saxafi Soomaali ah, kaas oo isku dayay inuu ka gudbo xadka Belarus si uu u gaaro Yurub. Wuxuu sheegay in markii la qabtay, loo sheegay in la siinayo fursad shaqo iyo tababar, balse markii dambe la qorsheeyay in loo diro dagaalka Ukraine.
Sida ay warinayaan The Kyiv Independent iyo The Guardian, arrintan waxay muujinaysaa sida dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonyaya nolol ka wanaagsan ay ugu nugul yihiin khiyaanada ciidan ee Ruushka, gaar ahaan marka ay qaxootinimo ku sugan yihiin ama ku jira xaalado nololeed oo liita.
— Tirooyinka iyo quruumaha kale —
Labada dhinac midna si toos ah ugama warbixiyaan tirada rasmiga ah ee dagaalyahannada ajnabiga ah ee ku jira ciidamadooda. Bishii Maarso 2022, Ukraine waxay sheegtay in 20,000 qof ay doonayeen in ay ku biiraan cutubka “International Legion”. Ma jirto tiro la cusbooneysiiyay oo rasmi ah tan iyo markaas.
Ruushkuna wuxuu sheegay in sannadkii 2024 uu siiyay dhalashada 3,300 muwaadin ajnabi ah kuwaas oo ka dagaallamay Ukraine.
Waxaa lagu waramay in dadka kasoo jeeda Mareykanka, Britain, Faransiiska, Colombia, Ireland, iyo dalal badan oo Aasiya iyo Latin America ah ay ka barbar dagaallamayeen Ukraine, halka Ruushkuna si gaar ah u beegsaday muwaadiniinta kasoo jeeda dalal sabool ah.
Dagaalka Ukraine ayaa noqday goob ay isugu yimaadeen dagaalyahanno ka kala yimid daafaha dunida—kuwaas oo qaar ay tabaruceen, qaarna lagu qasbay. Waxaa si gaar ah u taagan su’aalo la xiriira masiirka dadka laga faa’iidaysto saboolnimadooda, sida Soomaalida, kuwaas oo dagaal aysan raadineyn lagu dhex tuuray.
Markii dagaalka Ruushka iyo Ukraine sii fido, waxa cad in dadka nugul ee adduunka—gaar ahaan kuwa aan helin fursado sax ah—ay yihiin kuwa ugu badan ee naftooda ku waynaya dagaal aysan qeyb ka ahayn.