29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Soomaalida oo si adag uga dhiidhisay arrintii Itoobiya uga dhawaaqday Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shalay Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF oo ka socda Muqdisho, taas oo Soomaalida si weyn uga dhiidhiyeen, maadaama ay Itoobiyaanka arrintaan ugu soo dhuumanayaan damacooda badda.

Inkastoo saraakiisha Itoobiyaanka ay la soo baxeen heshiis ay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, kaas oo Soomaaliya ay ugu ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.

Sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaguna si carro leh uga fal-celiyay arrintaan, iyagoo ku tilmaamay “daan-daansi”, halka kuwa kale u arkaan in Itoobiya ka il heshay habacsanaanta Soomaaliya iyo qadiyad la’aanta madaxda qaar, ayna ka fushaneyso danaheeda, taas oo ay soo jeediyeen in laga wada midoobo sidii damacan guracan looga difaac lahaa dalka.

Caasimada Online, ayaa idin soo aruurisay qaar ka mid ah fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso:

Cabdisatar Carte Mascuud: “Wa riyo aan marnaba aan rumays lahayn.”

Cabdalle Cali: “Waxaan qabaa in Itoobiya iyo Kenya laga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.”

“Bal umuurtan eeg. Halkee lagu arkay ciidamo nabad sugid baanu u nimid iyo ciidamadeena xaga badda ha naloo geeyo. Halkay iska noqonaysaa? Meesha ay lacagta ku qaadanayaan hadaanay tagayn oo Al-Shabaab la dagaalamayn, waar nimanka isa soo dhaafiya,” ayuu yiri Xamse Carab.

Ilyaas M.Suudani: “Hala xiro nijaasta xun, maxaa bad ka galay ciidankaas.”

Yoonis Sayid: “Damicii foosha xumaa ee qabsashada bada Soomaliya hadii Soomaaliya tashan waydo wallee waa loo talin.”

“Riyo ayey ku jiran Itoobiya ayaga hal lug ku taagan,” ayuu yiri Xuseen Cali Cadde.

Abuubakar Cabdullahi Maxamed: “Saraakiisha Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waa diideenba, balse maxay kugu taallaa hadii madaxda dalka dhuuni raac yihiin oo Ethiopia iyaga uso saxiixeen in ciidan bada la keeno, musiibo sow maaha.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaan kama baxeyno ilaa aan iska iska hor istaagno damaca madaxda dalka 35 sano mid ba mid uu ka roon yahay laheyn ee cadowga iyaga nagu so hogaaminaya.”

Cabdiraxmaan Maxamuud: “In aan iska dhicino mooye tani si kale malaha.”

Si kastaba, shirka ay shalay Itoobiyaanka uga dhawaaqeen arrintaan ayaa ujeedkiisu ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.

- Advertisement -

Read more

Local News