26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Somaaliya iyo Mareykanka oo go’aan cusub gaaray kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Mareykanka ayaa gaaray go’aan cusub oo la xiriira kordhinta taageerada ay Washington siiso ciidanka Soomaaliya, kadib kulan saacado qaatay oo gelinkii dambe ee Arbacadii dhex-maray Madaxweyne Xasan oo uu wehliyo taliyaha Xoogga iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Gen. Dagvin R.M. Anderson.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda guud ee gobolka iyo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, waxayna go’aamiyeen in lasii xoojiyo wada shaqeyntooda, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday doorka AFRICOM ee dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan sidii ay usii wadi lahayd duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo aad u kordha bilihii lasoo dhaafay, maadaama lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah.

Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa intii lagu guda jiray kulan Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay warbixin la xiriirta qorshahiisa dagaalka Al-Shabaab iyo sida uu kaalin uga qaadan karo dadaallada ay dowladda dib ugu dhiseyso Ciidanka Qalabka Sida, si ay helaan tababar iyo qala dhammeystiran.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Taliska AFRICOM taageeradooda dib u habeynta amniga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada gobolka.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo hordhac oo Anderson la yeeshay saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa isbarasho, kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn xooggan, waxaana sidoo kale Washington ay taageero milatari siisaa Dowladda Federaalka, waxaana intaas dheer in sidoo kale ay ka qayb qaadato dagaalka tooska ah ee lagula jiro argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News