Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Serbia ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo lagu saxiixay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Heshiiskan ayaa imid kadib kulan New York ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia, Marko ฤuriฤ‡, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia.

Heshiiskan ayaa qeexaya in Serbia ay Soomaaliya ka gacansiinayso tababarka diblumaasiyadda iyo kartida dhisidda aqooneed oo muhiimad gaar ah u leh howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida hadalka loo dhigay.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia waxa ay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida caafimaadka, militariga, amniga iyo kuwo kale, iyadoo xukuumadda Muqdisho ayaa dhiggeeda Belgrade uga faaโ€™iidaysanaysa waaya-aragnimadeeda.

Heshiisyada labada dal ayaa waxaa ugu weyn kan amniga, waxayna Serbia ka taageeri doonta Soomaaliya dhinacyada la-dagaalanka argagixisada, musuq, dambiyada ka dhaca xuduudaha, dambi barista iyo tababarrada ciidamada.

Serbia ayaa sanad walba waxaa tababar heer sare ah kusoo qaata boqolaal saraakiil ah oo ka tirsan ciidamadq Soomaaliya, gaar ahaan booliska, iyadoo marwalba labada dhinac sii xoojinayaan iskaashigooda milatari.

Sanadkii 1962-kii ayuu soo bilowday xiriirka booliska Soomaaliya iyo kan dalka Serbia, inkastoo uu hakad galay sanadkii 1992-kii, balse dib u furidii safaaradda Soomaliya ee Belgrade ayaa suurta-gelisay dib u soo celinta xiriirka labada boolis.

Dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliyeed ku garab siiya dib u dhiska hayโ€™adaheeda muhiimka ah, iyadoo sanadihii dambe ay dowladda Soomaaliya xoojisay xiriirka ay la leedahay.

- Advertisement -

Read more

Local News