28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Soomaaliya iyo Turkiga oo wada-hadal ka yeeshay dhibaato soo korodhay

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa wada-hadal muhiim ah ka yeeshay xal u helista dhibaatooyinka kusoo kordhay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa wada-hadalladan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya.

Labada dhinac ayaa kulankaas diiradda ku saaray arrimo la xiriira sidii jaaliyadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa sharci xagga degenaanshaha ah iyo sidii xal waara loogu gaari lahaa cabashooyinka iyo dhibaatooyinka kale ee ay tirsanayaan jaaliyadda Soomaalida.

Danjiraha ayaa si weyn ugu mahadceliyay Jamhuuriyadda Turkiga oo mar kasta taageero iyo garab-istaag joogto ah u fidisa dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

“Danjire Fatxudiin ayaa mahad gaar ah u celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo si dhow safaaradda ugala shaqeeyay helidda arrimaha sharciga ee ay u baahan yihiin jaaliyadda Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay dadaal ugu jiray xal u helidda dhanka degenaanshaha ee ay daneynayaan qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.

Si kastaba, Soomaalida ku nool Turkiga ayaa cabasho ka keenay sharciga degenaanshaha dalkaas oo qaarkood dartiis xabsi u galeen, halka kuwa kalena la sheegay in laga masaafurinayo dalkaas sababo la xiriira dhinaca sharciga.

- Advertisement -

Read more

Local News