27.3 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo cusub + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – ‎Dowladda Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta magaalada Kampala ku kala saxiixday dhowr heshiis oo lagu horumarinayo xiriirka labada dal.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb-galaya shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la saxiixday wasiirada dhiggooda ah ee dalkaasi heshiisyadan.

‎Heshiisyadani maanta la saxiixay waxaa ka mid ah saddex heshiis isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada iyo isboortiska iyo amniga labada dal.

‎Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Xamse Aadan Xaadoow ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiisyadan.

‎Sidoo kale waxaa shirka ka qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar.

‎Shirkan oo ah kii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale looga dooday sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dal, iyadoo madax ka socotay ganacsatada labada dhinac ay ka qayb galeen.

‎Dhanka kale, labada dowladood waxa ay qorsheynayaan in la saxiixo heshiis ku saabsan shaqada kasoo la doonayo inuu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha labada dhinac iyo inuu fududeeyo helidda shaqooyinka si sharci ah.

‎Ugu dambeyntii waxay dhinacyadu isku raaceen in shirkan midka xiga lagu qabto Soomaaliya sanadka 2027.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaamtay mid qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso iskaashiga xiriir iyo amni ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News