Somalia oo bilowday ololaha kursiga golaha ammaanka iyo Fiqi oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday ololaha kursi muhiim ah oo yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Safarka Fiqi ee New York ayaa ku qotoma dardar-gelinta oloaha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay maalmo ka harsan tahay doorashada xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka oo kursigaan uu qeyb ka yahay.

Fiiq ayaa halkaasi ka bilaabaya dadaallo diblumaasiyadeed horleh oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka horey u sheegtay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika.

Golaha Ammaanka loo dhan yahay ee QM ayaa dooran doona shan xubnood oo cusub oo kamid noqon doona Golaha Ammaanka ee sanadka 2024.

“Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee QM.

Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika.

Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah.

Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.

Kuraasta diyaarka ah ee Golah QM ee qeybta uu ka yahay kursigan ayaa waxaa loo qeybiyay sidan;

  • Hal kursi oo Afrika ah, oo hadda ay haysato Mozambique
  • Hal kursi Aasiya-Pacific, oo ay hadda haysato Japan
  • Hal kursi oo Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaankaah (GRULAC), oo ay hadda haysato Ecuador, iyo
  • Laba kursi oo loogu tala-galay Galbeedka Yurub iyo kuwa kale (WEOG), oo ay hadda haystaan Malta iyo Switzerland.

Si kastaba, Tallaabadan ayaa imaaneysa kahor doorashada soo socota ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro Kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee QM.