24.7 C
Mogadishu
Friday, August 29, 2025

Soomaaliya oo dhisaneysa waax tamareed oo casri ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Yinchuan (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho ku joogo Shiinaha ayaa maanta booqday xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Xamza oo ay wehliso safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa lasoo tusiyay dhammaan inta ay ka kooban tahay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, waxaana xilligaas ka socotay shaqo maalmeedka caadiga ah oo ay ku jireen howladeennadu.

Xamza oo hadal siiyay wariyeyaasha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonto sidii loo dhisi lahaa waax tamareed oo casri ah, oo abuurto fursado warshadeed oo cusub.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Booqashadan waxaa ka horreysay kulan gaar ah oo dhex-maray Ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyaha gobolka Ningxia, ahna xoghayaha guud ee xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

- Advertisement -

Read more

Local News