26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Soomaaliya oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac amni ka muujisay isbeddel cusub oo ay shirkadda Meta kusoo kordhisay adeegga WhatsApp, kaas oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay adeegsadaan magac oo keliya (username) halkii uu ka muuqan lahaa lambarka taleefanka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa sheegtay in isbeddelkaasi uu dhalin karo caqabado dhanka amniga ah, maadaama uu adkeyn karo aqoonsiga dadka adeegsanaya WhatsApp-ka, xilli Soomaaliya ay weli wajahayso khataro la xiriira argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan taageersaneyn hirgelinta adeeggan cusub, isagoo xusay in walaaca ugu weyn uu yahay saameynta uu ku yeelan karo dabagalka iyo ka hortagga falalka halista ku ah amniga qaranka.

Mustafa Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay la wadaagto walaaca ay arrintan ka qabto dowladda Hindiya, oo iyaduna hore uga muujisay walaac ku saabsan qorshaha Meta ee la xiriira isbeddelka cusub ee WhatsApp.

Sida uu sheegay agaasimuhu, dowladda waxaa saaran waajib ah inay ilaaliso amniga isgaarsiinta dalka, isla markaana ay ka hortagto in tiknoolajiyada cusub ay fursad u noqoto kooxaha argagixisada, shabakadaha dambiyada abaabulan iyo cid kasta oo isku dayda inay qariso aqoonsigeeda.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo adeegyada isgaarsiinta uu u baahan yahay in si qoto dheer loo qiimeeyo, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeelan karo amniga qaranka iyo la dagaallanka dambiyada.

Dowladda Hindiya ayaa dhowaan iyaduna si rasmi ah uga hortimid qorshahan Meta, iyadoo ku doodday in isbeddelkaasi uu saameyn ku yeelan karo amniga gudaha iyo awoodda hay’adaha sharci fulinta ee la socodka dambiyada lagu fuliyo adeegyada isgaarsiinta.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shirkadaha tiknoolajiyadda ay sii kordhinayaan adeegyada lagu xoojinayo asturnaanta isticmaaleyaasha, halka dowlado badan ay walaac ka muujinayaan in astaamahaas cusub ay adkeyn karaan la socodka kooxaha amni-darrada iyo shabakadaha dambiyada ee isticmaala aaladaha casriga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News