29.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

SOOMAALIYA oo eedeyn culus u jeedisay Sacuudi Carabiya – Maxaa is-bedelay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Geneva (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku xadgudubka xuquuqda shaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga shaqaalaha muhaajiriinta, intii uu socda shirweynaha Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILC) ee ka socda Geneva.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya ku biirisay isbahaysi sii ballaaranaya oo ay hoggaaminayaan dalal iyo ururro shaqaale oo caalami ah, kuwaasoo dalbanaya in si rasmi ah loo baaro sida Sacuudigu ula dhaqmo shaqaalaha muhaajiriinta.

Hadallada wafdiga Soomaaliya ayaa noqday dhaleeceyn fagaare ah oo aan caadi ahayn oo uga timid dal Afrikaan iyo Carab ah xukuumadda Riyadh, taasoo kor u qaaday olole caalami ah oo lagu doonayo in Sacuudiga lagu qaado isla xisaabtan ku saabsan eedeymaha xadgudubka, oo ay ka mid yihiin musuq-maasuq mushahar, shaqo khasab ah, iyo dhibaatooyin loo geysto shaqaalaha Afrikaanka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 36 dal iyo dhowr urur shaqaale oo caalami ah oo taageeray baaqa lagu dalbanayo in Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ay sameyso Guddiga Baaritaan—oo ah hannaan baaris oo ahmiyad sare leh oo hay’addu isticmaasho—si loo baaro xaaladaha shaqo ee Sacuudiga.

“Shaqaalaha Sacuudiga waxaa loo arkaa kuwo la tuuri karo. Waxay baxaan iyagoo nool, waxayna ku soo laabtaan naxash,” ayuu yiri Joel Odigie, Xoghayaha Guud ee ITUC-Africa, oo ka mid ah ururrada gudbiyay cabashada.

“Afrikaanku waxay u safraan Sacuudiga si ay nolol u helaan, balse waxay ku soo laabtaan naxashyo,” ayuu yiri Omar Osman, Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), kana mid ah saxiixayaasha cabashada.

Dadaalladan ayaa daba socda sannado dhaleeceyn ah oo lagu eedeeyay nidaamka “kafala” ee Sacuudiga—nidaam kafaala qaadasho ah oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu suurtageliyo tacaddiyo baahsan oo lagula kaco shaqaalaha dakhligoodu hooseeyo, oo badankood ka yimaada waddamada Afrika iyo Aasiya.

Khilaaf diblomaasiyadeed oo soo fool leh

Tallaabada Soomaaliya ee Geneva ayaa keentay walaac laga qabo mustaqbalka heshiis shaqo oo dhawaan ay la saxiixatay Sacuudiga, kaasoo lagu talo galay in uu shaqo u furo kumannaan Soomaali ah oo dooneysa fursado nololeed oo cusub.

Bishii May, Wasiirka Shaqada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Dr. Cabdalla bin Naasir Abuthnain.

Kulankaas oo dhacay intii lagu guda jiray shir caalami ah oo ku saabsanaa badqabka shaqaalaha ayaa lagu dardargelinayay hirgelinta heshiis labo geesood ah oo lagu ballanqaaday in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, khilaafka diblomaasiyadeed ee cusub ayaa khatar gelinaya dadaalladaas, iyadoo laga cabsi qabo in uu carqaladeeyo iskaashiga guud ee labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyo horumarineed oo muhiim ah.

Tan iyo 1977, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga (SFD) wuxuu maalgeliyay mashaariic horumarineed oo qiimahooda ka badan yahay $100 milyan, kuwaasoo lagu taageeray waaxyaha biyaha, waxbarashada, beeraha, warshadaha iyo macdanta Soomaaliya.

Horraantii sannadkan, SFD waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), si ay u maalgeliso mashaariic kaabayaasha miyiga ah ee qaaradda Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa ka qeyb galay munaasabadda saxiixa, taasoo lagu tilmaamay astaan muujinaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirkaasi haatan wuu daciifay, iyadoo la rumeysan yahay in Sacuudigu dib u eegayo barnaamijyadiisa horumarineed iyo bini’aadantinimo, si uu uga jawaabo mowqifka Soomaaliya ee ka qeybgalka ololaha Geneva.

Isbeddel siyaasadeed oo ka socda Soomaaliya?

Falanqeeyayaal goboleed ayaa aaminsan in mowqifka Soomaaliya uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo ka dhex socda siyaasadda arrimaha dibadda ee Muqdisho. Dalka oo horay ugu caan baxay dhexdhexaadnimo marka ay timaaddo loolanka Khaliijka, ayaa hadda u muuqda mid si tartiib tartiib ah uga jeesanaya xulafadiisii hore ee Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, isagoo u leexanaya dhanka Qatar.

Soomaaliya waxay noqotay waddanka kaliya ee ka tirsan Bariga Afrika ama Jaamacadda Carabta ee si fagaare ah u taageeray ololaha ka dhanka ah Sacuudiga intii uu socday shirka ILC.

Waqtiga tallaabadani dhacdayna wuxuu sii xoojinayaa muhiimaddeeda. Soomaaliya waxay wajahaysaa marxalad doorasho oo kacsan, waxaana falanqeeyayaashu rumeysan yihiin in Muqdisho ay isku dayeyso in ay hesho ilo dhaqaale oo kale xilli ay siyaasadda gobolka iyo xiriirrada diblomaasiyadeed is beddelayaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa jawaab uga bixisay dhaleeceynta, iyadoo xustay isbeddello sharciyeed iyo wada-shaqeyn ay la leedahay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO). Sannadkii 2023, Sacuudiga wuxuu la saxiixday heshiis laba sano ah oo ay la galeen ILO, kaasoo lagu waafajinayo nidaamyada shaqada heerarka caalamiga ah, lana xoojinayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in isbeddelladaasi ay si gaabis ah u socdaan, islamarkaana xadgudubyadu ay weli baahsan yihiin, gaar ahaan kuwa lagula kaco dadka aan sharciyeysnayn iyo shaqaalaha Afrikaanka ah.

ILO waxay xaqiijisay inay heshay cabashada, waxayna sheegtay in golaha sare ee hay’adda uu go’aan ka gaari doono in baaritaan rasmi ah la furo marka uu kulmayo bisha November.

Natiijada murankan waxay yeelan doontaa saameyn weyn oo gaaraysa malaayiin shaqaale muhaajiriin ah oo ku sugan Sacuudiga, oo ay ku jiraan kumannaan ka soo jeeda Geeska Afrika.

Sidoo kale, arrintan waxay astaan u noqon kartaa isbeddel ku saabsan sida dalal yaryar sida Soomaaliya ay ula macaamilaan awoodaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee Khaliijka – gaar ahaan marka ay isku dhacaan danaha dhaqaale iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

- Advertisement -

Read more

Local News