Soomaaliya oo gaartay guul kale oo weyn – Maxay tahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn kasoo hoyday Qaaradda Afrika, kadib shirweyne xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, kaas oo xil muhiim ah loogu doortay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa noqotay hoggaanka Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), iyada oo xilkaas loo doortay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige.

Xilkan oo ah mid muhiim ah ayaa labada soo socoto, kana bilaabaneyso bisha April ee soo socota ee sanadkan 2025, waxaa hayn doono wasiir Biixi oo hoggaamin doono Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ee (Horn of Africa Initiative).

Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray shirweynaha 23-aad ee Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis Ababa, iyada oo lagu dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee Madasha uu noqonayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, taas oo guul wayn u ah dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa xilkan kala wareegi doono dhiggiisa wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya, Axmed Shide oo ahaa guddoonka madashan labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna u mahadceliyay xubnaha golaha, isaga oo kadib xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative).

Soomaaliya ayaa sanadihii u dameeyay wacdaro ka dhigeysay gobolka Geeska Afrika, iyada oo guullo waa wayn kasoo hoyday Qaaradda, sida inay xubin buuxa ka noqotay dalladda bulshada bariga Afrika (EAC) iyo in loo doortay ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD, oo uu kusoo baxay madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.