25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Soomaaliya oo heleysa 30 milyan oo dollar – Maxaa lagu qabanayaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa Soomaaliya siineysa lacag gaareysa 30 milyan oo dollar, sida ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Hay’adda.

Ujeedka ayaa ah si loo xoojiyo dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maaliyadeed, sidoo kalena loo yaareeyo saameynta ka dhalatay jarista deeqaha shisheeye iyo isbeddelka cimilada oo saameeyay dhaqaalaha dalka.

Lacagtan loogu yaboohay Soomaaliya ayaa timid, kadib markii ay heshiis cusub gaareen IMF iyo DFS, kaas oo ku yimid wada-hadallo u socday labada dhinac intii u dhexeysay 16-kii Sebteembar ilaa 8-dii Oktoobar 2025, iyadoo ay si wadajir ah u hoggaamiyeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo madaxa kooxda IMF ee Soomaaliya, Ran Bi.

Warbixin kasoo baxday hay’ada ayaa sidoo kale lagu sheegay in lacagta soddonka milyan ah loo bixin doono laba qaybood, marka la dhammeeyo dib-u-eegista 4-aad iyo tan 5-aad ee barnaamijka Extended Credit Facility (ECF).

Sidoo kale tani ayaa wadarta guud ee lacagta barnaamijka waxay ka dhigeysaa $100 milyan, oo IMF ku taageerayso dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed ee dalka, sida lagu caddeeyay warbixinta maanta la shaaciyay.

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Dhanka kale, Wasiir Biixi Imaan Cige oo ku hadlayay afka dhammaan hey’adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay warbixintaan, isaga oo si weyn uga mahadceliyay wada shaqeynta sare ee hay’adda ee sababay horumarrada la gaaray.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in warbixinta ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

- Advertisement -

Read more

Local News