25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Somalia oo isku diyaarinaysa booqasho taariikhi ah oo Muqdisho uu ku imanayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa booqasho taariikhi ah oo uu dhammaadka sanadkan Muqdisho ku imaan doono Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah horumarinta kubadda cagta dalka.

Booqashadan ayaa ka dambeysay wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, taas oo horseedday guulo wax-ku-ool ah oo sare u qaaday sumcadda kubadda cagta Soomaaliya ee fagaaraha caalamka.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb-galayay kulamo heer sare ah oo ka dhacay dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha FIFA ay Soomaaliya u horseedeen fursado iyo is-afgarad muhiim ah.

Cali Shiine ayaa sheegay in wada-hadalladaasi ay diiradda saareen horumarinta kubadda cagta Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya FIFA iyo hay’adaha kubadda cagta ee dalka.

Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka kala dhexeeya FIFA, taas oo ugu dambeyn horseedday in Gianni Infantino uu go’aansado inuu dhammaadka sanadkan booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in booqashadan la filayo ay ka tarjumeyso kalsoonida ay FIFA ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya, isla markaana ay sare u qaadi doonto xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Waxa uu intaas ku daray in booqashadu ay dhabaha u furi doonto iskaashi cusub, maalgelin iyo mashaariic lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta, kor u qaadidda aqoonta tababarayaasha iyo garsoorayaasha, horumarinta ciyaartoyda da’yarta, kobcinta kubadda cagta haweenka iyo xoojinta dhinacyada farsamada iyo maamulka kubadda cagta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News