Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.
Dhinaca ammaanka, Soomaaliya ayaa ka digtay in go’aankan uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu furi karo albaab lagu soo geliyo khilaafaad iyo colaado ka imanaya Bariga Dhexe. Dowladda ayaa si gaar ah u muujisay walaac ku aaddan suurta-galnimada in la sameeyo saldhigyo militari ama iskaashi amni oo ajnabi ah, kuwaas oo dalka gelin kara dagaallo wakiilnimo.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in kala-daadsanaanta siyaasadeed ee gobolka ay abuuri karto fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo mar walba ka faa’iideysta firaaqyada amni iyo khilaafaadka siyaasadeed.
Dhanka diblomaasiyadda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee suuragalka ah, si ay u difaacdo madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qaranimada dalka.
Waxa kale oo ay ku celisay in ay si dhow ula shaqayn doonto hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa goboleed, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo IGAD.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale si cad u muujiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrinta Falastiin, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin aaya-ka-tashiga, kana soo horjeesatay gumeysi, barakicin qasab ah iyo isbeddel demografiyadeed oo lagu sameeyo dhul la haysto.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo wacyi qaran, iyadoo xustay in difaaca qaranimada iyo midnimada dalka uu yahay mas’uuliyad wadareed.
Dowladda ayaa ku adkaysatay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda gobolka, xasilloonida caalamka, iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

