Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isbeddal wayn oo dhanka amniga ah sameysay, iyada oo lagu muujiyay warbixinta sanadkan 2025 ee ay soo saartay hay’adda qiimeysa amniga caalamka ee Global Peace Index (GPI), taas oo qirtay in Soomaaliya ay xagga amniga kaga horumartay dalal waa wayn, sida Ruuskha iyo Kuuriyada Waqooyi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in haatan Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay amniga gudaha, marka loo eego qiimeyntii sanadihii hore.
Sidoo kale warbixinta ayaa caddeysay in Soomaaliya ay ka baxday liiska 10-ka dal ee ugu ammaanka liita caalamka, waxayna sanadkan gashay kaainta 14-aad, halka ay horay ugu jirtay kaalinta 6-aad ee waddamada ugu amniga xun aduunka.
Dalalka ay Soomaaliya ka horreyso dhinaca amniga ee warbixinta xustay waxaa kamid ah Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo haatan ka hooseeya, waana hormar wayn oo ku yimid dadaalka la sameeyay.
Isbeddalkan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ee ay dowladda federaalka ku xoojisay amniga guud ee dalka iyo la dagaallaanka Al-Shabaab oo xoogga la saaray, waxaana kamid ah meelaha horumarka laga sameeyay caasimada oo ka xasilan sidiii ay ahayd markii hore.
Soomaaliya ayaa sanad kasta liiska dalalka ugu amniga wanaagsan kor uga soo kaceysay tirooyinka hoose, tillaabadaasi oo lagu sababeeyay howlaha ay Dowladda Federaalka ka qabatay amniga gudaha dalka.
Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa soo dhaweysay warbixinta sanadlaha ah ee Global Peace Index (GPI), iyada oo sheegtay in ay tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed, maadaama la qiray horumarka ka jira dalka.
Waxaa kale oo wasaaraddu tilmaamtay in guushan ay ku timid dadaalka ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka iyo saaxibada caalamiga ah ee taageerada siiya Soomaaliya.
“Guushaan ayaa ku suurtagashay iskaashiga iyo geesinimada Ciidamada Qalabka Sida, garab istaaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee saaxibada caalamiga ah ee ku garab taagan geeddi socodka nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sii adkeysay ballanqaadkeeda ku aadan in ay sii wadi doonto xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Warbixinta Global Peace Index (GPI) waxaa sidoo kale ay muujisay in dalal kale oo gobolka ku yaalla ay sameeyeen isbedello waa wayn, waxaana kamid ah Itoobiya oo kor u kacday 5 boos (138-aad), halka Koonfurta Sudan iyo Sudan ay iyaguna muujiyeen horumar kooban.


