Changsha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay shirka heer wasiir ee isku-duwayaasha hirgelinta go’aannada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, dalka Shiinaha.
Ugu horreyn wasiir Cabdisalaam ayaa soo dhoweeyey ballan-qaadyada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, dalkaas Wang Yi, kuwaas oo xoojinayo iskaashiga Afrika iyo sidoo kale Shiinaha.
Inta uu socday shika waxaa looga hadlay dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo sugnaanta cuntada.
Shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta qaaradda Afrika, isaga oo sheegay in ballan-qaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa dhankiisa xusay in tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha, ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya.
Waxaa kale oo uu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya waxa ay tahay saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse ay horseedayso natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.
Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u garab-taagan tahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan.
Ugu dambeyn wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.