Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoofinta xoolaha Soomaaliya ayaa si xoog leh u kordheysa, taasoo loo aaneynayo hoos u dhaca tartankii kaga imaan jiray Australia iyo Suudaan, sida lagu sheegay warbixin uu qoray Bloomberg.
Isbeddelkan ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya, waxaana la filayaa in dakhli ka badan hal bilyan oo dollar laga helo dhoofinta xoolaha sannadkan. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay xoolo dhoofinta.
Xogta dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa in dakhliga dhoofinta xoolaha uu sare u kacay, iyadoo laga bilaabo $523 milyan sanadkii 2021 uu gaadhay $974 milyan sanadkii hore.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xoolaha ayaa sheegay in kororkaasi u badan yahay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee Suudaan iyo hoos u dhaca dhoofinta xoolaha ee Australia.
Qaasim Cabdi Moallim, agaasimaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda ayaa sheegay in xaaladdaasi ay Soomaaliya siisay fursad ay ku ballaariso suuqyadeeda.
“Dalkeenna wuxuu si wanaagsan uga faa’iidaystay xaaladdaas, isagoo dardar cusub geliyay dhoofinta xoolaha,” ayuu yiri Agaasimaha. Wuxuu xusay in masaafada dhow ee Soomaaliya u jirto dalalka Gacanka — sida Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka — ay sidoo kale ka mid tahay faa’iidooyinka suuq-geynta xoolaha.
Dhanka kale, dhoofinta xoolaha nool ee Australia ayaa si weyn hoos ugu dhacday sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladda dalkaasi qorsheyneyso in la joojiyo gebi ahaan dhoofinta idaha badda laga raro marka la gaaro May 2028.
Xog rasmi ah ayaa muujineysa in Australia ay sanadkii 2022–2023 dhoofisay 652,000 neef oo xoolo ah, halka labaatan sano ka hor ay tiradu ahayd ku dhawaad lix milyan.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay hadda gacanta ku hayso qayb weyn oo ka mid ah suuqyadii dalalka Gacanka ee markii hore adeegsan jiray Suudaan, oo dagaallo sokeeye ay si weyn u saameeyeen. Warbixin uu soo saaray Sudan Transparency and Policy Tracker ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya oo keliya ay sanadkii 2023 Suudaan ka iibsatay xoolo qiimahoodu gaarayay $715 milyan.
Inkasta oo Soomaaliya muddo dheer la tacaalaysay amni xumo iyo siyaasado isbeddel badan, haddana dalka waxaa ku nool in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir. Sannad kasta, Soomaaliya waxay u dhoofisa dalalka Bariga Dhexe afar ilaa lix milyan oo neef.
Xoolaha nool ayaa hadda noqday badeecadda ugu muhiimsan ee Soomaaliya u dhoofiso dibadda. Dakhliga laga filayo sannadkan, oo gaari kara $1 bilyan, ayaa ka sarreeya dakhliga gudaha ee dowladda oo lagu qiyaasay $430 milyan, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda.
Miisaaniyadda guud ee dalka sannadkan ayaa lagu sheegay $1.36 bilyan, taas oo inta badan ku tiirsan deeqaha caalamiga ah, halka dhoofinta xoolaha ay noqotay laf-dhabarta dhaqaalaha gudaha.