SOOMAALIYA oo 40 sano kadib safiir u dirsatay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Soomaaliya ayaa 38 sano kadib safiir u dirtay dalka Japan, iyadoo Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan uu ka guddoomay warqadaha aqoonsi danjirenimo.

Danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Hodan Cismaan Cabdi ayaa hadda si rasmi ah uga shaqeyn doonta labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Japan.

Danjire Hodan ayaa kulanka ay la qaadatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan kula wadaagtay howlaha shaqo ee dalkaas ka qaban doonto, gaar ahaan xoojinta xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Tokyo.

Danjiraha Soomaaliya ayaa dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisay in uu xooggeysto xiriirka labada dal, iyadoo tilmaantay in Japan sanadihii dambe fulisay mashaariic badan oo ay ku taageertay Soomaaliya.

Sidoo kale, Japan ayaa safka hore uga jirta dalalkii Soomaaliya ku taageeray madax-bannaanidii ay ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga ee Koofurta haystay iyo Ingiriiska ee Waqooyiga.

Danjiraha cusub ayaa shaqadiisu diiradda saari doonta horumarinta xiriirka labada dal, taageerada mashaariicda horumarineed, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Si kastaba, Danjirihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka ahaa wakiil buuxa ee dalka Japan waxa uu ahaa Xasan Abshir Faarax sanadkii 1987dii, tan iyo xiligaasna ma jirin safiir Soomaaliya u jooga ama ku metala dalkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News