Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay toddobaadyada soo socda Soomaaliya u soo dirayso cutub cusub oo ciidamo ah.
Ciidamadan cusub ayaa qayb ka noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee haatan loo yaqaano AUSSOM.
Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa ayaa la hadlay guuto cusub oo askar ah oo loo diyaariyay in ay u safraan Soomaaliya, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay muujiyaan anshax, waddaniyad iyo ilaalinta midnimada qaaradda Afrika inta ay ku jiraan howl-galka.
“Waxaan idinka rajeynayaa inaad adkeysaan edebta iyo wadajirka, aydinkoo difaacaya danaha dalkiinna iyo sumcadda ciidamada Uganda,” ayuu yiri Gen. Takirwa intii uu socday kulan wacyigelin ah oo loogu diyaarinayay ciidanka.
Taliyaha ayaa tilmaamay in dirista ciidankan cusub ay qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Uganda ayaa tan iyo 2007 ka mid ahayd dalalka ugu ciidanka badan ee ku sugan Soomaaliya, waxaana askarteedu ka howl-galayaan inta badan gobollada koonfureed, iyagoo door muuqda ka qaata nabad ilaalinta iyo la-dagaallanka argagixisada..
Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka caawiya dowladda Soomaaliya la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo ah urur ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya. Howl-galkan waxaa ka mid ah ciidamo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Uganda iyo Kenya.

