24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Soomaaliya oo mamnuucday baasaboorka Taiwan iyo Taiwan oo jawaab ka bixisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Taipei (Caasimada Online) – Taiwan ayaa si kulul u cambaareysay go’aan ay Soomaaliya ku mamnuucday dadka wata baasaboorka Taiwan in ay dalka soo galaan ama uga sii safraan dhulkeeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in xayiraaddan ay dhaqan gashay Arbacadii, kaddib amar ay toddobaadkii hore soo saareen hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya.

Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, taasoo ku soo beegantay iyadoo Taiwan – oo ah jasiirad madax-bannaan balse uu Shiinuhu sheegto – ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, oo sannadkii 1991 sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, inkastoo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Sanadkii 2020, Taiwan iyo Somaliland ayaa midba safaarad ka furtay caasimadda dalka kale, taasoo ka careysiisay Beijing iyo Muqdisho labadaba.

Bayaan ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan soo saartay fiidnimadii Talaadadii ayaa lagu sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay u dirtay shirkadaha diyaaradaha digniin cad, taasoo lagu sheegay in baasaboorrada Taiwan “aan mar dambe loogu oggolaan doonin in lagu galo ama lagaga sii safro Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” laga bilaabo 30-ka April.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay si adag uga hor timid tallaabada Soomaaliya, oo ah mid uu Shiinuhu kiciyey, taasoo xaddideysa xorriyadda safarka iyo ammaanka muwaadiniinta Taiwan. Waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa inay si degdeg ah uga laabato ogeysiiskaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taiwan waxay sidoo kale cambaareysay waxa ay ku sheegtay “fasiraad khaldan” oo Soomaaliya ka bixisay Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758, iyadoo si aan sax ahayn ugu xiriirisay mabda’a “hal Shiinaha”.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Taiwan in aysan u safarin Soomaaliya ama Somaliland, ilaa go’aankaas laga laabto, sida ay warbaahinta Taiwan werisay.

Ilaa hadda, midna – Soomaaliya ama Somaliland – kama aysan hadlin go’aankan.

Dhinaceeda, dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay “si weyn u bogaadineyso” xayiraadda, iyadoo ku tilmaamtay “tallaabo sharci ah oo muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabda’a hal Shiinaha,” sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, Arbacadii, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Taiwan waxay leedahay dastuur u gaar ah waxayna qabataa doorashooyin xisbiyo badan leh oo madax-bannaan si loo doorto hoggaamiyeyaasha dalka.

Shiinaha ayaa ku adkeysanaya in Taiwan ay qayb ka tahay dhulkiisa, wuxuuna si cad u sheegay inuu awood u adeegsan doono haddii loo baahdo si uu jasiiraddaas ugu hoos keeno gacantiisa.

Kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo baahsan oo uu Shiinuhu sameeyay, Taiwan – oo si rasmi ah loogu yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha – waxaa kaliya aqoonsan dhowr waddan oo kooban.

Dhanka kale, Somaliland – oo aan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah – ayaa sannadkii 1991 si iskeed ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, kaddib markii uu burburay xukunkii kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wali u aragtaa Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, waxayna hore u cambaareysay heshiis ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland si ay deked uga kireystaan.

- Advertisement -

Read more

Local News