28.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Soomaaliya oo marti-gelisay shir heer sare ah iyo wafuud soo gaaray Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay kulan laba cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska.

Kulankaan ayaa waxaa kaso qeyb-galay xubnaha madasha oo ay kamid yihiin Djibouti, Kenya, South Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen agaasimayaashooda wasaaradaha gacansiga halka dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahad-celin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Mudane Biixi Imaan ayaa dhankiisa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.

Waxa uu xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiir Biixi oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay.

Si kastaba, kulankaan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hay’adaha caalamiga ah, iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News