Beijing (Caasimada Online) – Soomaaliya oo muddo dheer wajahaysay dagaal sokeeye iyo rabshado ay hurinayaan kooxaha xagjirka ah, ayaa hadda noqotay meel muhiim u ah hindisaha amniga caalamiga ah ee Shiinaha (Global Security Initiative – GSI), iyadoo Beijing ay kordhisay iskaashiga dhanka milatariga iyo laamaha amniga ee ay la leedahay Muqdisho.
Iskaashigan sii xoogeysanaya ayaa si cad loo muujiyay horraantii bishan, markii in ka badan labaatan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu guddoonsiiyay deeqo tababar oo ay ku helayaan Shiinaha.
Intii lagu jiray xafladda, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa ballanqaaday in “Shiinaha uusan ka maqnaan doonin” dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabadda gudaha dalka Geeska Afrika.
Soomaaliya iyo muhiimadda taageerada
Soomaaliya oo weli ka soo kabanaysa burburkii ka dhashay afgambigii 1991-kii ee xilka looga tuuray Madaxweyne Siad Barre, ayaa taageeradan u aragta mid muhiim u ah dhismaha ciidamo difaac oo isku filan si ay uga hortagaan kooxda al-Shabaab, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo lagu dhimayo ciidamada.
Hindisaha deeqaha tababarka ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee taxane iskaashi amni ah oo hoos yimaada GSI. Bishii hore, koox kale oo saraakiil amni Soomaaliyeed ah ayaa tababar ku dhammaystay Shiinaha, kaas oo ku saabsanaa booliska, amniga gudaha iyo xakameynta xuduudaha.
Bishii Luulyo, safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxay sidoo kale wadahadallo la yeelatay ciidamada Badda ee Booliska Soomaaliyeed, si ay uga wada shaqeeyaan la-dagaallanka burcad-badeednimada — arrin si dhow ugu xiran danaha kalluumeysiga Shiinaha iyo ilaalada maraakiibtiisa ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Hindisaha amniga caalamiga ah ee Shiinaha
GSI oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xi Jinping sanadkii 2022, ayaa loo soo bandhigay sidii beddel ku wajahan isbahaysiyada reer Galbeedka, kuna saleysan mabaadi’da is-ixtiraam iyo faragelin la’aan. Afrika ayaa noqotay goob tijaabo ah oo muhiim u ah hindisahan, waxaana Soomaaliya tusaale cad u tahay sida Beijing ay ugu beddelayso hadallada siyaasadeed ficil muuqda.
Ilaria Carrozza, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Peace Research Institute Oslo, ayaa sheegtay in barnaamijyada tababarka Shiinaha ee Soomaaliya ay muujinayaan sida GSI ugu guureyso “mabda’ guud oo hadal ahaan ah… una rogmanayso diblomaasiyad amni oo wax ku ool ah.”
Waxay tilmaantay in tani qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo Shiinuhu ku adeegsanayo taageerada amniga si uu “u xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee muddada dheer iyo ilaalinta danihiisa dhaqaale ee Afrika,” iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa saameynteeda, halkii ay si toos ah u beddeli lahayd doorka reer Galbeedka.
Falanqaynta iyo aragtida khubarada
Paul Nantulya, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Afrika kana tirsan Africa Centre for Strategic Studies, ayaa sheegay in iyadoo tababarada lagu sumadeeyo GSI, “Shiinuhu uu ruux iyo nuxur siin karo, kuna beddeli karo qaab ficil ah.”
Wuxuu ku daray in diiradda la saarayo amniga gudaha Soomaaliya ay si toos ah ula jaanqaadayso mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee GSI.
Doorka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay ballanqaad ballaaran oo uu bixiyay Madaxweyne Xi, kaas oo sheegay inuu tababari doono 6,000 oo askari iyo 1,000 oo sarkaal amni oo Afrikaan ah ka hor 2027, iyadoo la taageerayo deeq ciidan oo gaaraysa hal bilyan yuan ($140 milyan).
Inkasta oo Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ka faa’iideysta, waddamo kale sida Itoobiya iyo Nigeria ayaa sidoo kale saxiixay heshiisyo tababar oo ay la leeyihiin Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, qaabka Shiinaha ma waayo dhaliilo. Cilmi-baarista Nantulya ayaa muujisay in inkasta oo qaar ka mid ah dowladaha Afrika ay usoo dhoweynayaan GSI sidii il kale oo gargaar amni, haddana kuwa kalena ay ka taxadaraan khataraha.
Mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ayaa ah in iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta nidaamka talada haya, habka Shiinaha uu kor u qaadi karo ciidan siyaasadaysan — kuwaas oo u adeega xisbiyada talada haya halkii ay noqon lahaayeen ciidan xirfadaysan oo siyaasadda ka madax-bannaan.

