25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Soomaaliya oo sharaxday ka qeyb-galkeeda shirka dalalka aan badda lahayn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay shir caalami ah oo ay qaybgashay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta iskaashiga u dhexeeya wadamada leh iyo kuwa aan lahayn xeebaha, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha iyo fududeynta isu socodka badeecadaha.

Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metelay wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay shirka uga qayb gashay sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda ku aaddan taageeridda wadamada xeebaha la’ ee soo koraya, isla markaana ay u raadiso maalgashi ku wajahan dekedaha iyo jidadka istaraatiijiga ah ee kobcin kara isku socodka gobolka.

“Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, si kor loogu qaado iskaashiga gobolka iyo horumarka wadaagga ah,” ayuu yiri  wasiir Isaaq Maxamuu Mursal.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay in kaalin muuqata ka qaadato iskaashi horumarineed oo dhexmara dalalka deriska ah.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu fure u yahay raadinta maalgashi ku wajahan dekedaha iyo kaabeyaasha isku xira dalalka gobolka, si badeecaduhu si fudud oo qiimo jaban ah ugu gudbaan.” ayuu raaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintay ayaa dhalisay fal-celin xoogan, iyada oo su’aallo laga keenay ka qeyb-galka Soomaaliya ee shirka wadamada aan badaha lahayn ee dhacay dalka Turkmenistan.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

“Waxaan diidnay in dhoollatus badeed aan la samayno dalal aan bad lahayn, dalkayagana kama dhacayso taas. Waxay doonayeen in naloo hoos geliyo dalal muranno ay naga dhexeeyaan” ayaa horay looga soo xigtay wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

- Advertisement -

Read more

Local News