27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Soomaaliya oo u weecatay Shiinaha iyo Xasan Sheekh oo shaaciyey in uu si buuxda u…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beijing (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si buuxda u taageeray tallaabooyinka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ay soo bandhigtay dowladda Shiinaha, isagoo ku tilmaamay kuwo xal waara u noqon kara caqabadaha cakiran ee haysta dunida maanta, isla markaana mudan in dalalka caalamku ay tixgeliyaan. 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka Shiinaha (CMG), ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay qayb ka tahay, si weynna u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan afarta tiir ee Beijing ay hormuudka ka tahay. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ay ku ballaarineyso kaalinteeda kaga aaddan madal-yada caalamiga ah ee Shiinuhu hoggaamiyo.

“Dunidu way kala duwan tahay juquraafi ahaan iyo heerka horumarkaba; sidaas si la mid ah, caqabadaha waddan walba haysta waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray in qiimaha dhabta ah ee qorshayaashani uu ku jiro “mabaadi’da iyo hannaanka” ay xambaarsan yihiin—kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhowrista madax-bannaanida qarannimo, oggolaanshaha aragtiyada kala duwan, iyo iskaashi aan ku dhisnayn ka faa’iideysiga daciifnimada dadka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa tan iyo sannadkii 2013 wadday aragtida ah “Dhismaha Bulsho Wadaagta Mustaqbal Mid ah,” waxayna soo bandhigtay afar hindise oo waaweyn: Tashuubka Horumarinta Caalamiga ah (2021), Amniga Caalamiga ah (2022), Ilbaxnimada Caalamiga ah (2023), iyo Hindisaha cusub ee Maamulka Caalamiga ah (2025).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka sii kordhaya ee Shiinaha ee dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku biirtay madal ay Beijing taageerto oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee dalalka soo koraya. “Qaab-dhismeedkani waa mid waxtar leh, maadaama uu dal walba ka caawinayo inuu iskii u istaago,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ammaan kala duldhacay Madaxweyne Xi Jinping, isagoo sheegay inuu si weyn ula dhacay labadii kulan ee ay yeesheen sannadihii 2015 iyo 2024. “Waa hoggaamiye aad u adag,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo Madaxweyne Xi ku ammaanay sida uu dalkiisa ugu horseeday barwaaqo, kuna tilmaamay tusaale nool oo ay ku daydaan dalalka soo koraya ee doonaya inay dardargeliyaan kobcooda dhaqaale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada mugga leh ee ay siiyaan laamaha amniga Soomaaliya. Sannadkan 2025, labada dal ayaa yeeshay kulankii ugu horreeyay ee heer wasiir difaac ah, kaas oo dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Shiinaha Dong Jun. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xasiloonida gobolka, iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hawlgalka ATMIS.

Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaray heerka “Iskaashi Istiraatiijiyadeed” (Strategic Partnership), kaddib shirkii Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee bishii Siteembar 2024 ka dhacay Beijing, halkaas oo labada hoggaamiye ay ku iclaamiyeen sare-u-qaidda xiriirka labada dal.

“Waa iskaashi istiraatiijiyadeed, mana ahan mid goos-goos ah,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo qiray in dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ay hakad geliyeen xiriirkii labada dhinac xilli Shiinuhu uu sameynayay horumar xowli ah, balse hadda dib loo amba-qaaday qorshayaal fog.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa Shiinaha uga mahadceliyay garab-istaagga joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo isku-xirka arrimaha caalamiga ah, maadaama labada dal ay wadaagaan mabaadi’ iyo caqabado u baahan iskaashi dhab ah.

- Advertisement -

Read more

Local News