Nairobi (Caasimada Online) War bixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah hey’adda eegta hufnaanta dhinaca maamulka ee lagu magacaabo Transparent International ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ugu horreyso liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan ee caalamka.
Soomaaliya, Afghanistan, Ciraaq iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ah waddamada sannadkan ugu horeeya dalka ay musuqmaasuqa uu dilooday caalamka.
Warbixinta Transparent International ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Denmark, New Zealand iyo Finland ay noqdeen waddamada ugu musuqmaasuqa yar adduunka maadama maamulkooda uu wanaagsan yahay.
Soomaaliya ma ahan markii ugu horreysay oo kaalinta koobaad ka gasho waddamada ugu hooseeya xagga hufnaanta maamulka.
Warbixinta ayaa saldhig loogu dhigay inay heerarka laaluushka, ku xadgudubka awoodda iyo heshiisyada qarsoon in ay weli ku badan yihiin dalal badan oo caalamka ku yaalla.
Sahamadan ayaa sannadkasta la sameeyaa, waxaana sameeya urur fadhigiisu yahay magaalada Berlin ee dalka Jermalka.
Hey’adda waxa ay sheegeysa dadka saboolka iyo kuwa nugul in ay musuq maasuqaan sarakiisha ciidanka, waxaana ay ku talisay in wax la qabto.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

