29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Soomaaliya oo wajahaysa caqabado ka dhashay go’aanka beesha caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya, xilli sanadihii la soo dhaafay uu dalka sameeyay horumar muuqda oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Wasiirka oo wareysi siiyay CNBC Carabiya ayaa sheegay in ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii 2024 kor u kacay 4%, balse saadaasha sanadka 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1%. Wuxuu hoos u dhacaas la xiriiriyay yaraanta taageerada dibadda, taas oo saamayn ku yeelatay kobaca dhaqaalaha.

Biixi Iimaan Cige wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay wado dadaallo lagu xoojinayo maamulka maaliyadda, dib-u-habaynta cashuuraha iyo hay’adaha, si loo kordhiyo dakhliga gudaha oo uu ku tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee maalgelinta muddo-dheer.

Wuxuu xusay in dalka uu horumar weyn ka sameeyay dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha, taas oo sababtay in dakhliga gudaha uu kordho in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkastoo goobta laga bilaabay ay ahayd mid dakhli yar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in miisaaniyadda qaranka ay korodhay 24% sanadihii 2024 iyo 2025, hase yeeshee weli ay jirto baahi loo qabo maalgelin caalami ah, iyadoo dakhliga gudaha uu si tartiib ah u kobcayo.

Dowladda ayuu sheegay inay xoogga saarayso ballaarinta kharashaadka bulshada, kordhinta kharashaadka bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dakhliga gudaha ee loo qoondeeyo waxbarashada uu saddex sano gudahood ka kordhay 3% una kacay 10%, taas oo muujinaysa awoodda sii kordheysa ee dowladda ee maalgelinta adeegyada muhiimka ah.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Maaliyadda ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay dooratay nidaam taageero oo bartilmaameed leh, halkii ay ka isticmaali lahayd gargaarka guud ee aan la kala soocin.

- Advertisement -

Read more

Local News