Soomaaliya: ‘Shiqrool loo maleegay siyaasiyiin iyo isku day afgambi saddexaad’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale shaaciyay qorshe afgambi oo uu damacsan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, oo hore dhowr jeer ugu fashilmay muddo kororsi sharci darro ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay in afgambigaas uu Farmaajo u qorsheysan yahay in uu ku dhawaaqo 12-ka April oo ah xuska maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee uu gacantiisa uu ku sameeyay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in kooxda Farmaajo ay ka dambeeyso qalalaasaha amni ee maalmihii dambe ka taagna garoonka iyo xeyndaabka Xalane, si loo baqdin galiyo diplomaasiyiinta shisheeye oo ay iskaga cararaan dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran:

Shirqoolo loo maleegay dad siyaasiin ah iyo AFGANBI 3aad oo u qorsheysan Farmaajo!!

1. 23-kii bishaan Maarso weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Afisyoone iyo Beledweyne waxaa fududeeyay dad la yaqaano ilaa hadana wax tilaabo ah lagama qaadin, sababtoo ah waxay dowlada ku dhex heystaan xilal, xoog iyo xasaanad. Waana sababta xalay RW Rooble ugu dul ilmeeyay minbarkii uu taagnaa ee loogu tacsiyeynayay Xildhibaan Amina AUN.

2. Shalay waxaa lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii la sheegay in gudaha garoonka la soo geliyay qaraxyo iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraro ka fulin raba garoonka iyo gudaha Xalane. Danta laga leeyahay xaga hoose ayaan ku xusi doonaa.

3. Waxaa socda qorsheyaal lagu beegsanayo RW Rooble, MW Cali Guudlaawe (oo lagu soo daray liiska dadka cadowga ku ah Villa Soomaaliya doorashadii Beledweyne ka dib), qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la soo doortay, Musharaxiin iyo Siyaasiin iyadoo la adeegsanayo gacmo kale oo loogu adeegayo agabka iyo shirciyada hawlwadeenada dowlada sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Ujeedada laga leeyahay iyadana qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku sheegi doonaa.

4. Waxa jira nin siyaasi ah oo maamul goboleedyada mid ka mid ah ka soo jeeda oo la dejiyay hotel ku yaala xayndaabka garoonka Aadan Cadde. Waxaana agtiisa lagu diyaarinayaa hub aad u fara badan oo la leeyahay amniga mas’uulkaan ayaa lagu ilaalinayaa lkn ujeedadu sidaas maahan ee hubka howlgal kale ayaa loo isticmaali doonaa, ciidanka hubkaas ku howlgeli doona iyagoo dharcad ah ayaa gudaha la soo gelin rabaa maalmaha soo socda.

5. Asbuucyadii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ciidamada qalabka sida ka dhex waday isbedelo. Wuxuu shaqada ka fariisiyay dhamaan saraakiishii qeybta ka ahaa howlgaladii dalka lagu badbaadiyay ee Badbaado Qaran. Wuxuuna ku badalay saraakiil daacad u ah oo dhalinyaro u badan. Saraakiishii iyo ciidamadii diiday isbedeladaas waxa laga gooyay mashaarkii iyo garaamkii ciidanka.

Ulajeedka Farmaajo iyo qorsheyaasha uu maaganyahay:

1. Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan.

2. Shirqoolada ka dhanka ah Rooble, Guudlaawe, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ujeeddada laga leeyahay waa in dalka la geliyo qalqal amni oo suurtogal ka dhigi kara baaqashada dhaarinta Xildhibaanada ee muddeysan 14-ka Apriil iyo in gebi ahaanba la baajiyo doorashada oo dhan.

3. Labadaan qorshe marka ay dhacaan Farmaajo waxaa u qorsheysan iskuday AFGANBI 3aad oo uu ku dhawaaqi doono 12-ka Apriil oo ah Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee sida ulakaca ah isagu u abuuray in aysan doorasho ku qabsoomi karin!!