Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa digniin adag u dirtay Somaliland, xilli dhowaan ay kasoo yeertay hanjabaad ku aaddan booqashada uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku tagayo Laascaanood.
Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa sheegay in haddii ay shaki ka qabaan amniga, aysan martiqaadi lahayn madaxda sare ee dalka, isla markaana ay SSC si buuxda ugu filan tahay xaqiijinta amniga Ra’iisul Wasaaraha inta uu joogo deegaanadooda.
“Shimbiro haddii aan ka baqayno, hadhuudh ma beeri lahayn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo shacabka ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan sugidda amniga inta uu safarku socdo.
Wasiirka ayaa uga digay Somaliland inay ka waantoobaan hurinta colaad mar kale ka dhacda deegaankaas, oo haatan ay gacan ku hayso SSC-Khaatumo.
Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii ambaqaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana wajahaya xaalado dagaal.
Dhankeeda Somaliland ayaa ka caroootay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ka digtay inuu tago Laascaanood, oo ay horay ugu dagaalameen iyada iyo SSC-Khaatumo.
Somaliland ayaa sheegtay in Xamza uu ka qoomamayn doono safarkiisa Laascaanood, ayada oo ku goodisay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortagayso.
Isku soo wada duuboo, socdaalkan ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulka KMG ah ee SSC, oo haatan si weyn isugu haya Somaliland oo ayadu hore uga talin jirtay dhulkaasi.

