Khaatumo oo caalamka u dirtay farriin ka dhan ah aqoonsiga Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa qoraal toos ah u diray beesha caalamka, wuxuuna si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, oo sanadihii dambe uu maamulka Hargeysa ku bixinayay dadaal badan.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa qoraalka ku sheegay in Somaliland u qalmin aqoonsi, maadaama uu sheegay in hal reer oo keliya uu maamulkaasi yahay, isla markaana uusan buuxin karin hal shuruud oo dal lagu noqon karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland waa hal reer oo gooni-goosad ah oo Isaaq ah, kamana taliyaan SSC iyo Maakhir oo taabacsan DFS. Waxaan u soo jeedinayaa caalamka in uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya, taasoo ah xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado, ay Soomaali oo dhan u midoobi doonto inay la dagaalanto Somaliland, sidaas darteedna ay xasilloonida Geeska Afrika ku jirto midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Firdhiye ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay taageerada kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya arrintan.

SSC-Khaatumo, oo haatan ah maamul KMG ah oo ka taliya deegaanadii xoog looga saaray Somaliland, oo ugu horrayso Laascaanood, ayaa si weyn ula dirirsan Somaliland, oo weli sheegata dhulkii laga saaray.

Qoraalkan uu hoggaanka SSC-Khaatumo u diray caalamka ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe soo baxayeen warar sheegaya in Mareykanka uu noqon karo dalkii u horreeyay ee aqoonsada Somaliland, inkasta oo si rasmi ah loo soo warin in arrintan qorshaha ugu jirto madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.