26 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse oo caawa lagu dilay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), Suldaankii Beesha Samaale ayaa caweysnimadii caawa Magaalada Kismaayo ugu geeriyooday dhaawacii fiidnimadii caawa loogu gaystay magaaladaasi.

Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa Isbitaalka Kismaayo ku geeriyooday, xilli lagu sameeyay qaliin looga soo saaray rasaastii lala dhacay.

Suldaanka iyo laba nin oo kale oo la socday ayaa waxaa lagu weeraray xaafadda Dalacaadda, gaar ahaa Isgoyska Caasha Deerow, iyadoo ay rasaas huwiyeen rag bastoolado ku hubeysnaa. Raggii kale ee Suldaanka lala dhaawacay ayay xaaladoodu ka soo reynaysaa.

Ciidamada Jubbaland oo daqiiqado ka dib markii xubnahaasi la weeraray gaaray Isgoyska Caasha Deerow ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen fal demiyeedkaasi.

Suldaan C/rashiid Dure ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada.

Suldaanka ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu si weyn kaga horyimid jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Ma cadda cidda ka masuulka ahi weerarkaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay tallaabada lagu qaarajiyay Suldaanka, oo si weyn looga garanaayay Deegaanada Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News