Istanbul (Caasimada Online) – Marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe bilihii la soo dhaafay, way fududahay in la soo gabagabeeyo in mawqifka istiraatiijiyadeed ee Israel uu soo roonaaday. Isla sidaas oo kale ayaa laga dhihi karaa Turkiga.
Haddaba, xaaladdani ma horseedi kartaa xasillooni, mise waxay astaan u tahay qalalaase hor leh oo soo fool leh?
In kasta oo ay dagaallo kaga furan yihiin jihooyin dhowr ah — Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto, Lubnaan, Suuriya, Yemen, iyo Iran — haddana Israel waxay u muuqataa inay xilligan haysato gacan sarraysa, halka “isbahaysiga iska-caabbinta” ee ay hoggaamiso Tehran uu u muuqdo mid kala daadsan.
Hoggaankii militari iyo kaabayaashii ciidan ee Iran waxaa dhaawac culus loo geystay dagaalkii bishii Juun, kaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshay barnaamijkeeda nukliyeerka, inkastoo aan si cad loo ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dib u dhacaasi. Jawaabtii Iran waxay ahayd mid aan sidaa u sii xoog badnayn, ka dib markii Mareykanku uu 22-kii Juun duqeeyay xarumaheeda nukliyeerka ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.
Dhanka kale, Suuriya waxaa hadda xukuma dagaalyahan hore uga tirsanaa Al-Qaacida, kaas oo sumcaddiisa lagu nadiifiyay si xawli ah oo aan hore loo arag, iyadoo ay taageerayaan dimoqraadiyadaha reer Galbeedka. Dhaqdhaqaaqii iyo abaabulkii muddo tobanaan sano ah ee Mareykanka iyo Yurub ay ku taageerayeen kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Hay’at Tahrir al-Sham ayaa muddo kooban gudaheed burburay, taasoo sii xaqiijinaysa laba-wajiilaynta reer Galbeedka.
Sidaas darteed, waa la gooyay jidkii saadka ugu muhiimsanaa ee ay Iran taageerada ku gaarsiin jirtay Xizbullah-da Lubnaan. Ururkaas laftiisa waxaa soo wajahday daciifnimo weyn ka dib dilkii hoggaamiyihooda, Xasan Nasrallah, iyo xubno kale oo sar-sare. Hadda waxa saaran cadaadis xooggan, mid gudaha ah iyo mid caalami ah, oo lagu doonayo inuu hubkiisa ku wareejiyo gacanta dowladda.
Isla mar ahaantaana, naxariis-darrada Israel ee Gaza — oo loo beddelay goob xasuuq baahsan halkaas oo dadka rayidka ah ee gaajaysan ay safaf ugu jiraan si ay u helaan gargaar bani’aadannimo oo xaddidan — ayaa wiiqday kalsoonidii iyo taageeradii caalamiga ahayd ee ay haysatay.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda mayalka adag ee Israel dheg jalaq uma siinayso ra’yiga caalamka, illaa inta ay dalalka reer Galbeedku taageeradooda sii wadaan (halka dalalka kale sida Ruushka iyo Shiinaha ay si la yaab leh dhexdhexaad uga jiraan).
Weerarro aan daandaansi lahayn
Haddii aan u soo jeedsanno dhanka Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu dhawaan ku guuleystay inuu meesha ka saaro khatartii amni ee ugu weynayd ee ka haysatay soohdintiisa koonfur-bari, taas oo ahayd Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK).
Waxa kale oo uu fuliyay hadafkiisii muddada dheer ee ahaa in xukunka laga tuuro Bashar al-Assad ee Suuriya, isagoo ku beddelay Axmed al-Sharaa. Ugu dambayntiina, Ankara waxay sare u qaadday sumcaddeeda caalamiga ah, iyadoo noqotay dhexdhexaadiyaha lagu aaminay colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.
Sida Israel oo kale, Turkigu wuxuu noqday awood goboleed oo safka hore kaga jirta. Xaaladdan, waddo kasta oo lagu raadinayo xasillooni deegaan sidan u qalafsan waa inay si lama huraan ah u soo martaa Israel iyo Turkiga — labaduba diyaar bay u yihiin inay iska caabiyaan cadaadiska Mareykanka, si aysan xulafada kale ee uu leeyahay ugu riyoon karin inay ku qasbaan.
Suuriya waxay noqon kartaa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu adag ee lagu qiimeynayo isbeddelkan. Bishii la soo dhaafay, Israel waxay duqeymo cirka ah ka fulisay fariisimaha ciidanka Suuriya, xilli ay isku dhacyo ka dhex qarxeen beelaha Druze iyo Bedouin ee koonfurta dalkaas.
In kasta oo ay Israel sheegtay in ujeeddadeedu ahayd inay difaacdo bulshada Druze, haddana siyaasaddeeda dhabta ah waxay u muuqataa inay diiradda saarayso sidii hubka looga dhigi lahaa aagga koonfurta ka xiga Dimishiq, si ay u ballaarsato “aaggeeda difaaca” (buffer zone).
Arrintu intaas kuma eka: isla markiiba ka dib burburkii xukunkii Assad, Israel waxay Suuriya ka fulisay duqeymo cirka ah oo isdaba-joog ah oo aan daandaansi lahayn, kuna burburisay kaabayaashii militari ee dalkaas — iyadoo sidii caadada ahayd ay arrintaas ka aamuseen dimoqraadiyadaha reer Galbeedka.
Sacuudi Carabiya, Qatar, Turkiga iyo dalal kale oo gobolka ah ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan midnimada dhuleed ee Suuriya, halka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Hakan Fidan, uu ka digay in Turkigu uu faragelin karo haddii kooxaha gooni-u-goosadka ah — sida Druze-ka oo Ankara u aragto inay wakiil ka yihiin Israel — ay isku dayaan inay kala qaybiyaan oo qalalaase ka abuuraan dalkaas.
Waxaa sidoo kale jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in Israel laga yaabo inay isku daydo inay buriso heshiiskii xabbad-joojinta ee ay Suuriya la gashay sannadkii 1974-kii, iyadoo raadinaysa qorshe amni oo cusub, kaas oo siinaya Israel awood ay ku joogto meelo ka shisheeya Buuraha Golan muddo shan sano ah oo kala-guur ah, sida uu sheegay ilo-wareed amni oo gobolka ah.
Marka la eego sida ay Israel ugu fududdahay inay xilliyada ku-meel-gaarka ah u beddesho kuwo joogto ah, waa caadi in la filayo in tallaabadani ay walaac weyn ka abuurto Dimishiq iyo Ankara labadaba.
Shaki qotodheer
Dhanka kale, isku daygii dhowaa ee xukuumadda Suuriya ay ku doonaysay inay gacanteeda ku hoos keento deegaannada Druze-ka ayaa walaac ku abuuray Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) ee ay Kurdidu hoggaamiyaan, kuwaas oo ka cabsi qaba inay iyagu noqdaan bartilmaameedka xiga — inkastoo ay ilaa hadda ka faa’iideysanayeen ilaalinta Mareykanka.
Xaaladdan, Turkigu uma muuqdo mid diyaar u ah inuu difaaco al-Sharaa, mana cadda in ay suurtagal tahay in lala gaaro Israel heshiis ku saabsan aagag saamayn oo la isku raacsan yahay.
Haddii la malaynayo in Suuriya la kala qaybinayo, qaybta koonfureed ee dalka ilaa duleedka Dimishiq waxay hoos imaan kartaa saamaynta Israel, halka inta soo hartay — marka laga reebo dhulka udub-dhexaadka u ah SDF ee bariga wabiga Furaat — ay hoos imaan karto saamaynta Turkiga. Qaab-dhismeedkan, SDF waxay ku tiirsanaan lahayd taageerada Mareykanka si ay isaga difaacdo weerarrada Turkiga. Sida ay tani ficil ahaan u shaqeyn karto waa su’aal wali taagan.
Tijaabo kale oo culus ayaa laga yaabaa inay dhowaan soo baxdo, taasoo la xiriirta diblomaasiyadda Mareykanka ee gobolka. Safiirka Mareykanka ee Turkiga, Tom Barrack — oo ah Maraykan u dhashay Lubnaan — wuxuu Washington ku leeyahay saameyn gaar ah: xiriir toos ah oo uu la leeyahay Madaxweyne Donald Trump. Waxa uu sidoo kale yahay ergeyga gaarka ah ee Suuriya, waxaana loo xil saaray inuu xasiliyo xaaladda siyaasadeed ee Lubnaan. Tani waa waajibaad aad u ballaaran oo loo dhiibay hal qof gobol sidan u qalafsan, taasoo calaamad cad u ah in Washington ay laga yaabo inay higsanayso qorshe dhammaystiran.
Sida la filan karo, shakiga laga qabo ujeeddooyinka dhabta ah ee Washington waa mid qoto dheer gudaha Turkiga. Ankara waxay aaminsan tahay in aakhirka, Mareykanku uu mar walba mudnaanta siin doono Israel.
Laakiin mustaqbalku weli ma cadda. Ma xakamayn kartaa Washington laba ka mid ah xulafadeeda ugu waaweyn ee gobolka, si looga baaqsado xaalad ay Suuriya oo si weyn u kala qaybsan, ayna jihooyin kala duwan u jiidayaan quwado iska soo horjeeda, ay noqoto dhinbisha hurisa colaad kale oo baahsan?