25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Swan iyo Amiir oo ka wada-hadlay hanaanka doorasho ee muranka dhaliyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee Muqdisho, oo maamulka gobolka uu sheegay inay u diyaar-garoobayaan dadka caasimadda. Hanaankan doorasho, oo muran xooggan ka dhashay ayaa waxaa ka horyimid mucaaridka iyo madaxdii hore.

Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa magaalada Muqdisho, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska gobolka.

“James ayaa ku bogaadiyay Duqa Muqdisho sida ay uga go’an tahay in magaalada ay dib u hesho bilicdii iyo heybaddii ay lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska gobolka Banaadir.

Danjire Swan, intaas kadib wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay QM kaalintooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer ka geysanayaan mashaariicda horumarineed ee caasimadda.

- Advertisement -

Read more

Local News