26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

James Swan oo la kulmay wasiirka amniga dowladda kadib qalalaasihii Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga Gudaha.

Waxaa si gaar ah diirada loogu saaray horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardar-gelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Fartaag ayaa uga mahad-celiyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.

Dhankiisa, Danjire Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya xilli Arabacadii uu magaalada Muqdisho ka dhacay qalaalase amni, iyadoo iska hor imaad u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhiga Warta Nabadda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa sheegay in dowladda ay halis gelisay naftooda, una adeegsatay ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa dhankeeda mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegeeen in siyaasiyiinta ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.

Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Banaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in maalintii shalay uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsana, iyadoo shacabka caasimadda ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka ay ku soo rari jireen Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News