26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sweden oo war kasoo saartay fadeexada lacagta la sheegay in loo leexiyey R/W Xamza

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa beenisay in lacago gargaar ah oo Soomaaliya loogu tala galay la leexiyay oo la gaarsiiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib markii warbaahinta Swedish-ka ay kashiftay heshiis sir ahaa oo isku beddelasho muhaajiriin iyo gargaar ku saabsanaa, kaasoo horseeday khilaaf diblomaasiyadeed oo bilo socday oo dhexmaray Stockholm iyo Muqdisho.

Wasiirka Horumarinta Sweden, Benjamin Dousa, ayaa ku adkeystay in gargaarka Sweden la xaqiijiyay ammaankiisa lana marsiiyay Qaramada Midoobay, balse aan si toos ah loo siin siyaasiyiinta Soomaalida.

“Wax lacag ah ma aysan aadin xafiiska ra’iisul wasaaraha – waligeedna miiska lama soo saarin in si toos ah loo taageero siyaasiyiinta,” ayuu Dousa u sheegay barnaamijka Morgonstudion ee telefishinka SVT Jimcihii.

“Khatarta musuq-maasuqa awgeed, weligeen si toos ah uma siinno taageero siyaasiyiinta ama dowladda. Haddii lacagta si khaldan loo isticmaalo, isla markiiba waan joojin lahayn.”

Heshiis qarsoodi ah

Beenintan ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

Email gudaha ah oo ka yimid Danjire Joachim Waern, oo ciwaankiisu ahaa “Heshiis waa la gaaray,” ayaa saraakiisha Sweden ku wargeliyay inuu heshiiska la meel dhigay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Heshiiskan ayaa isla markiiba waxaa ka horyimid hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida). Saraakiisha hay’adda ayaa ka digay in lacagta la geliyo sanduuqa Soomaaliya iyo Talyaaniga ay xafiiska Xamza siin doonto awood xad-dhaaf ah oo uu ku maamulo kheyraadkaas.

“Asal ahaan waa sanduuqa ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya u qaabilsan hay’adda International Crisis Group, kaasoo u sheegay Ekot in kiiskani uu iftiiminayo isku dayada Muqdisho ee ah inay si toos ah ula wareegto maamulka gargaarka.

Markii ay Sweden isku dayday inay lacagta xawisho, Bankiga Adduunka ayaa xannibay qayb ka mid ah lacag bixinta. Ayaga oo ka jawaabaya, mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hakiyay masaafurinta, iyagoo ku eedeeyay Stockholm inay ka baxday ballantii heshiiska.

Khilaafka ayaa sii xumaaday horraantii 2024 markii ay Soomaaliya dalkeeda ka eriday madaxii gargaarka Sweden ee Muqdisho, Anna Saleem Högberg, iyadoo ku tilmaantay qof aan dalka laga rabin (persona non grata). Ilo Soomaaliyeed ayaa u sheegay Ekot in loo arkayay inay caqabad ku ahayd sii deynta lacagaha.

Xiisaddii ayaa soo afjarantay bishii Maajo 2024, markii Stockholm ay wax ka beddeshay awaamiirta qoondada miisaaniyadda ee Sida, iyadoo oggolaatay in la sii daayo 60-ka milyan ee karoon ee harsanaa.

Halkii ay aadi lahayd sanduuqa Soomaaliya iyo Talyaaniga, lacagta waxaa la marsiiyay mashaariic ay fulinayso Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), balse uu ku lug leeyahay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa dib u bilowday masaafurintii dadka ee Sweden looga celinayay Soomaaliya.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in habka wax laga beddelay uu weli kordhiyay saameynta Xamza. Sida uu sheegay telefishinka SVT, qiyaastii 32 milyan oo karoon ayaa loo qoondeeyay mashruuc wadajir ah oo u dhexeeya xafiiskiisa iyo UNDP, kaasoo ay khubaradu ku tilmaameen “mashruuc khatar badan.”

Sweden oo difaacday heshiiska

Dousa ayaa difaacay heshiiska, isagoo ku nuuxnuuxsaday in lacagta Sweden ay weli hoos imaanayso maamulka Qaramada Midoobay. “Marka sanduuqa uu dugsiyo ama xarumo caafimaad ka dhisayo Soomaaliya, dabcan, wuxuu la shaqeeyaa xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradaha kale. Marka dhinacaas laga eego, waa run gebi ahaanba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in Sweden ay dejisay shuruudo u gaar ah oo gargaarka ku xiran, ayna wadatashi dhow la yeelatay Muqdisho iyadoo u soo marisay Sida iyo safaaradda Sweden. “Annagu waxaan u sheegnay danteenna, iyaguna dantooda ayay noo sheegeen,” ayuu yiri.

Muranka gargaarka ayaa dib usoo shaac baxay iyadoo ay barbar socoto dabagal cusub oo lagu hayo hoggaanka Soomaaliya. Khamiistii, telefishinka TV4 ee Sweden ayaa baahiyay in Xamza uu ammaanay Xamaas kadib weerarkeedii Oktoobar 7, 2023, ee ka dhanka ahaa Israel, iyo in hadallo uu jeediyay oo uu tarjumay SVT, uu Yuhuudda ku tilmaamay “kuwo ka soo farcamay daanyeerro iyo doofaarro.”

Sweden waxay soo saartay habraacyo cusub oo mamnuucaya in gargaarku gaaro shaqsiyaadka ama kooxaha Yuhuud naceybka ah. Dousa ayaa hadallada Xamza ku tilmaamay “kuwo argagax iyo naxdin leh” laakiin wuxuu sheegay in aysan beddelaynin mowqifka Sweden.

“Wax lacag ah isaga toos uguma dhacdo,” ayuu yiri. “Oo haddii aynaan gargaar siin karin waddamada ay ka jiraan aragtiyo xagjir ah ama musuq-maasuq, markaas gabi ahaanba gargaar ma bixin karteen.”

Sweden waxay muddo dheer ahayd deeq-bixiye weyn oo Soomaaliya taageera, iyadoo ka gacan geysata gargaarka bini’aadannimo, dib-u-habeynta dowladnimada, iyo taageerada qeybta amniga.

- Advertisement -

Read more

Local News