Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone oo amaan kala dul dhacay Radamel Falcao.

Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa amaantiisa u hibeeyey weeraryahanka aadka loo doon-doonayo ee Radamel Falcao, isagoona ku tilmaayey NO.9 caalamka ugu wanaagsan.

26 jirkaan ayaa sideed jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkaan, iyadoona kooxdiisa Los Colchoneros ay hugaanka La Liga la wadaagto Barcelona.

Bandhiga cajiibka ah ee xidiga reer Colobia ayaana soo jiitay kooxaha ugu waa weyn Yurub, iyadoo laga yaaba in Janaayo ay dalabyo u yimaadaan weeraryahankii hore ee FC Porto.

“Radamel wuxuu u shaqeeyey sidaas, wax walba oo dhacaaya waa cawaaqibka wax uu sameeyey kubada cagta,” ayuu Diego u sheegay Majalada AS.

“Waxaan rajo ka qabaa inuu waqti dheer sidaan usii ciyaari karo sababtoo ah dhaqan wanaagiisa dabeecadiisa iyo jamashadiisa.

“Shaki la’aan waa weeraryahanka NO.9 ee caalamka ugu wanaagsan.”

Falcao ayaa rajo laga muujinayaa inuu caasimada Spain ka tago bisha Janaayo ee sanadka cusub, iyadoo ay kooxdiisu ku dooneyso 60 milyan oo euro, waxaana laga yaabaa inay xitta qiimo u dhow ku iibiyaan maadaama ay heysato dhaqaale xumo.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.