Tabaruca taageerayaasha madaxweyne FARMAAJO

Waa maalin Axad ah, inta badan shaqaalaha dowladdu waa fasax, magaaladana mashquul badan ma jiro maalmahaas. Laakiin Axaddaan way ka duwan tahay. Gawaarida ayaa meel ay maraan la’, waddada boolis ayaa buux dhaafiyay, waxay u muuqataa xaalad deg deg ah in lagu jiro, jawiguna wuu kacsan yahay.

Ganacsade gaari wata oo muddo waddada ku xayirnaa ayaa wuxuu u wacay askari boolis ah si uu u weydiiyo is beddelka jira.

“Kooxo burcad ah ayaa la wareegay aqalka baarlamaanka, waxay sheegeen in haddii aan dhaqsi la siin lacag $100 milyan ah ay gaas iyo basiin ku shubi doonnaan baarlamaanka, ayna gubi doonnaan dhammaan xildhibaanada ay qabsadeen iyo aqalkaba” ayuu yiri askarigii.

Ganacsadihii oo naxsan ayaa su’aalay, “shacabkaan safka dheer ku jira ee gawaarida ka soo degayna maxay sameynayaan?”.

“Qaaraan ayay iska uruurinayaan” ayuu askarigii ku jawaabay.

“Min meeqa ayaa la iska qaadayaa anigana aan dhiibee?” Ayuu yiri ganacsadihii.

“Min laba liitar oo shidaal ah, oo xildhibaanada iyo aqalkaba lagu gubo ayay burcadda ugu deeqayaan”.

Ayaamahaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ee RW-ha u shaqeynayay ku kacsan maxaa ka qaldan?

Raggu isma dagaalsanee, taageerayaal tabaruca joojiya mucaaradka waa isku filan yahay’e!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid