25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Warbixin: 116 qof oo Somali ah oo ka bad baaday arrin halis ahayd

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Roma (Caasimada Online) Sida ay qortay Maanta oo Sabti ah, wakaalada wararka AFP, ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal Soomaali u badan ah, kuwaasoo saarnaa doonyo baco ka sameysan.

AFP ayaa ku warrantay in 116 ka mid ah tahriibayaasha in laga soo badiyay meel u dhow Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Sidoo kale, waxaa jira 100 kale oo iyana ay soo badbaadisay hey’adda Midowga Yurub u qaabisan maamulka xudduudaha Yurub, waxaanay ku wareejiyeen ciidamada ilaalada dekedda Sicilly.

Dadkan ayaa la sheegay in toddobaadkan tageen dalka Talyaaniga markii ay doomo ka raaceen dlaka Libya ee waqooyiga Afrika.

Sida ay lee dahay Hey’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR waxaa dadka aadaya Talyaaniga ay ka soo cararaan dhibaatada nolal xumo iyo dhaqaale la’aan ee ka jirta dalkooda waxay ka soo galeen Talyaaniga dalka Libya.

Dalka Libya, wuxuu 300 kilo mitir u jiraa jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga oo ah meel ay soo maraan tahriibayaasha doonaya in ay galaan Yurub.

Talyaaniga ayaa sheegtay in 24,277 oo tahriibayaal ah ay Talyaaniga soo gaareen muddo 12 bil ah gudaheed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News