Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), General David Keter ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Taliye David ayaa sidoo kale safar ku tegay magaalooyinka Dhobley iyo Afmadow, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Intii uu ku sugnaa goobahaas, Jeneraal Keter ayaa la kulmay ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan, wuxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda amni iyo howl-galka ay wadaan.
Taliyaha ayaa sheegay in Kenya ay sii xoojin doonto ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada ka socda Jubbaland.
Sidoo kale wuxuu adkeeyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay garab istaagto dadaallada amni ee Soomaaliya, xilli howl-galka cusub ee AUSSOM uu beddelay kii hore ee ATMIS.
Safarka Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya ayaa imanaya xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay qeybo ka mid ah maamulka Jubbaland, taas oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geynaysa gobolka Gedo, kuwaas oo maanta diyaarado looga qaadayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada ayaa si gaar ah looga dajin doonaa degmada Beledxaawo oo ay haatan ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland. Ujeedka ciidamada laga qaadayo Muqdisho ayaa ah lagu xoojiyo kuwa xoogga dalka ee horay u joogay degmadaasi, si looga hortago dhaq-dhaqaaq ay halkaas ka bilaabeen ciidamada Jubbaland.
Arrinta soo celisay xiisadda Gedo ayaa la xiriirta damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan sidii ay ku heli lahayd kuraasta xildhibaannada ee taalla gobolkaasi, si ay u soo saarato xildhibaanno taabacsan.