Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Sirdoonka Dalka Suudaan, Jeneraal Axmed Ibraahim Cali Mufaddal iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana keentay diyaarad gaar ah oo ah Dassault Falcon 900 oo ka soo kacday Port Suudaan, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wafdigan culus ee ka socda dowladda Suudaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda oo uu ugu horreeyo taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Jeneraal Axmed Mufaddal uu hadda wada-hadallo la leeyahay madaxda sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Mahad Salaad, waxaana shirkooda uu ka socdaa xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, waxaana ugu muhiimsan oo laga wada arrisanayaa iskaashi cusub oo haatan dhex mara dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan toos ula safatay xukuumadda Suudaan, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaqdhaqaaqa RSF ee uu taageero Imaaraadka Carabta.
Waxaa kale oo ay horay dowladda Soomaaliya walaac uga muujisay weerarrada joogtada ah ee ciidamada RSF ay ku qaadaan xarumaha dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kasala iyo Port Sudan.
“Weerarada noocan ah, waxaa ay halis ku yihiin kana hor imaanayaan shuruucda Caalamiga ah, waan diidanahay in la dhaawaco ilaha dhaqaalaha Suudaan” ayaa lagu yiri bayaan culus oo ay horay u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan laleh Suudaan oo horay dadka Soomaaliyeed taageero wayn ugu fidisay, gaar ahaan dhanka wabxarashada, waxaana sidoo kale jira xiriir ganacsi oo wayn oo ka dhexeeya labada dal.