Buurhakaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee goolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla bannaanka magaalada, kadibna waxaa xigay dagaal dhex-maray labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogganaa, isla markaana uu dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, intaba.
Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cismaan Mursal Kaarabiin oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba, kaas oo hoggaaminayay ciidamada maanta dagaalka adag la galay kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha, wuxuuna sheegay inuu ahaa nin halgamaa ah oo muddo dheer la dagaalamayay argagixisada.
“Ilaahey h u naxariisto taliye ku xigeenkii ciidanka Daraawiishta ee degmada Buurhakaba oo ciidankaas horkacayay ayaa ku geeriyooday dagaalka wuxuu ahaa nin geesi ah oo dalkiisa difaacaayay oo halgamaa ah, waana shahiid” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray in dagaalka lasoo afjaray, isla markaana la jabiyay Al-Shabaabkii soo weeraray duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Xaaladda aya weli kacsan, waxaana haatan goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi ka wada howlgallo baaritaanno ah.
Al-Shabaab oo ku xooggan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa badanaa weeraro ku qaada xeryaha ciidamada ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.
Waxaa kale oo intaas usii dheer go’doon ay ku hayaan degmooyinka muhiimka ah ee gobolladaasi, taas oo keentay in xaalad adag ay dareemaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

