Taliye ku-xigeenkii ciidanka Daraawishta Puntland oo isku casilay sabab yaab leh (Akhriso)

Bosaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe  ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu is casilay Taliye ku-xigeenka ciidanka ciidamada Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi.

Taliye ku-xigeenka oo tabanaaya maamul xumo ayaa warqada is casilada u gudbiyay Hoggaamiyaha maamulka  Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Taliye ku-xigeenka, ayaa la sheegay inuu ka cabanaaya faragalin lagu hayo shaqadiisa iyo in howlaha loo igmaday ay ku shaqeeyaan shaqsiyaad kale oo uu wato Taliyaha isaga ka sareeya.

Waxyaabaha uu isku casilay Taliye ku-xigeenka, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Mushaar la’aan ka heysata dhanka maamulka, sidaa aawgeedna ay u cuntami weyday inuu isku darsado faragalin shaqo iyo mushaarla’aan.

Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas oo ay gaartay warqada ayaan weli ka gaarin wax go’aan ah oo ku aadan aqbalaada is casilaada Taliye ku-xigeenka General Dayr Xaaji Cabdi.

Talaabada uu isku casilay General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa caado u ah Taliyayaasha maamulka Puntland, waxaana ayaan darro lagu tilmaamay in Taliyayaasha waday howlaha maamulka ay saaxiib u noqdaan Mushaar la’aan.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaso

Caasimada@live.com